Wasiirka Bayle oo ka baxay shirkii Golaha wasiirada kadib khilaaf dhexmaray RW Khayre
16 Nov 2017 (Puntlandes) Wasiirka maaliyadda Somalia C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa ka baxay shirkii Khamiislaha ahaa ee ay golaha wasiirrada Somalia maanta ku yeeshaan Muqdisho.
Tallaabadan uu qaaday Wasiir Bayle ayaa la sheegay inay ku timid, kaddib markii muran daqiiqado socday uu soo dhex-galay isaga iyo Ra’iisul wasaare Khayre, inkastoo aan la ogeyn wuxuu murankan salka ku hayo.
Hadana warar hoose ayaa waxay sheegayaan inuu la xiriiro kadib markii uu RW Khayre si dadban ula wareegay shaqadii wasiirka.
Xubnaha Golaha Wasiirrada xukuumadda ayaa horay ugu eedeeyay RW-ha inuu fara-gelin ku hayo hawlahooda shaqo, iyadoo wasiirrada Xukuumadda ay ka digeen fara-gelinnada lagu hayo shaqooyinkooda gaarka ah.
Ugu dambeyn, Tallaabadan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo shalay ay xilkii iska-casishay Wasiirradii Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Maryan Qaasim Axmed oo sheegay inay salka ku hayso is-casilaadeeddan is-barbar-yaac ka jira dhex-jira shaqada Xukuumadda Federaalka Soomaaliay.
Puntlandes.com