XOG: Wax ka ogow shirkii nabadaynta G. Mudug ee DFS garwadeenka ka ahayd? (Sawirro)

18 Nov 2017 (Puntlandes) Magaalada Gaalacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa waxa ka dhacay markay taariikhdu ahayd 12-13kii nov 2017 shir ay garwadeen ka ahayd dawlada Fedaraalka Soomaaliya, gaar ahaan wasaaradda Arimaha Gudaha, Dib u heshiisiinta iyo Federaalkaoo ku saabsanaa nabadaynta Gobolka Mudug ee u qaybsano Galmudug iyo Puntland.

Shirka oo ay qabsoomidiisa IGAD fudadaysay uuna Wasaaradda Arimaha guduha DFS wakiil uga ahaa Faysal Siciid Dheere ayaa waxa diiradda lagu saarayey sadex qodob oo kala ah:

  1. Colaada Gobolka Mudug maxaa asal u ah?
  2. Heshiisyadii hore maxay u fuli waayeen?
  3. Muxuu yahay Xalku?

Wafdiga ka wakiilka ahaa Wasaarada Arimaha Gudaha ayaa Shir la qaatay Odoyaasha, waxgaradka iyo haweenka laba dhinac ee magaalada Gaalacyo ee Galmudug iyo Puntland, shirkuna waxa uu ka kala dhacay labada dhan.

Jawaabta laga soo ururiyey shirarkaas ayaa ah in deegaan la isku hayo, in kalsoonida dhexdooda taal aysan buurnayn, waxayna DFS ka codsadeen inay nabada kala shaqayso.

DFS ayaa sheegtay inay Odoyaasha labada dhan wada hadalsiin doonto, kana shaqayn doonto sidii nabada loo sii wadi lahaa wadahadaladuna usii socon lahaayeen.

21a

21a1

Puntlandes.com

About The Author