Akhriso Xildhibaanada Golaha shacabka oo la Canshuuri doono Gunadooda
19 Nov 2017 (Puntlandes) Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka JFS ayaa lagu soo rogay inay dib u bixiyaan Canshuurta Gunnada ay qaataan, iyadoo Xildhibaanadacanshuur dhaaf loo sameeyey laga bilaabo July 2017.
Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa bil walba qaata Guno dhan $3,000, waxaa horay u jiray xeer Baarlamaanka isku raacay oo dhigayay in canshuur dhaaf loo sameeyo Xildhibaanada.
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa warqad uu 9-kii bishan u qoray Guddoomiyaha Golaha shacabka ayuu ku wargeliyay in Xildhibaanada aan wax canshuur ah laga goyn, wixii ka dambeeya October 2017 la bilaabi doono in canshuurista Gunnada ay qaataan Xildhibaanada.
Wasiirka ayaa qoraalka ku sheegay in canshuur dhaafka loo sameeyay Xildhibaanada uu ka hor imaanayo shuruudaha heshiiska SMP ee u dhaxeeya dowladda Soomaaliya kula jirto Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF, kaasoo sheegaya in wadada kaliya ee loo mari karo in Soomaaliya laga cafiyo deynta badan ee Caalamka looga leeyahay.
Akhriso qoraalka
Puntlandes.com