Sawirro: Baarlamanka Puntland ayaa maanta xasaanad siiyay 4 Wasiir
19 Nov 2017 (Puntlandes) Baarlamanka Puntland ayaa maanta codka xasaanada siiyay 4 Wasiir oo ka tirsan Gollaha Xukuumadda sida Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Dib u dhiska iyo Horumarka Abshir Abdilahi Mahamed, Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Qoyska,Wasiiru dowladaha Kaluumaysiga iyo Wasiiru dowle Quraan-jecel.
Masuuliyiintan ayaa ka hor inta aan la siin xasaanada ka hor jeediyay fadhiga gollaha Wakiiladda Puntland khudbado ay kaga hadlayaan taariikh nololeedkooda.
Wasiirada Xasaanadda la siiyay ayaa qaarkood ka mid ahaa gollihii Xukuumadda horre iyo kuwa cusub oo uu dhawaan soo magacaabay Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas).