MAQAAL: WAX KA OGOW XANUUNKA AMA CUDURKA LOO YAAAN HIV/AIDS BY: MOHAMED MOHAMOUD HIIRAD

WAX KA OGOW XANUUNKA AMA CUDURKA LOO YAAAN HIV/AIDS BY: MOHAMED MOHAMOUD HIIRAD

1 December, waa malinka ayWHO u astaysay xusku cudurka dilaaga ah ee HIV/AIDS

HADABA Maxaa uu yahay, Sidee la iskugu gudbiyaa, sideese looga hortagi kara

Cudarka Aids-ka waxa uu fara ba’an ku hayaa malaayiin qof oo dunida guudkeeda ku nool, waxaana u nafwaaya dad aan yareyn maalin walba. Cudarkan oo mashquuliyay maskaxda khubaro badan oo cilmiga sayniska ku takhasusay sidii ay xal ugu heli lahaayeen, dowlado badan iyo hay’ado samafaleedna ay geliyeen maalaayiin doolar oo lacag ah sidii loo xakameyn lahaa cudarkan dilaaga ah. Hadaba waxaa lama-huraan ah inuu qof waliba fikrad ka haysto waxa uu yahay Aids, waxa keena, heerarka uu maro bukaanka cudarkan qabaa, calaamadaha lagu garto iyo siyaabaha kala duwan ee la isugu gudbiyo feyruska keena Cudurkan.

Cudurkan waxaa keena nooc ka mid fayraska oo loo yaqaan HIV (Human Immunodifeciency Virus), feyraska noocani waxa uu toos u weeraraa unugyada difaaca jirka Aadamiga, weerarkaas kadib hidda-sidaha Feyraska HIV-ga (DNA) waxa uu toos ula midoobaa hidda-sidaha qofka bukaanka (DNA of the host), waxaana dhacda in ay mideysnaadaan muddo aan yareyn inta badana lagu qiyaaso 5-10 sanadood, xilligaas oo qofka bukaanka ahi uusan muujin wax calaamado cudur ah (Assymptomatic period). Muddadan kadib waxaa dhacda inuu feyras badani ka soo tarmado hidda-sidayaashii mideysnaa, dabadeedna weeraro unugyada kale ee jirka, gaar ahaan unugyada difaaca ee loo yaqaan ‘T4 cells’ oo ah qeyb ka mid ah unugyaada cad-cad ee dhiigga (WBCs), hoos u dhaca ama baaba’a ku yimaada unugyada difaaca ayaa sababa inuu qofku u nugloonaado cudaro badan oo qofka caafimaadka qaba aan waxba ku aheyn sida Hargabka, Qaaxada, dhaawacyada, iwm, kuwan oo inta badan sababa dhimashada qofka cudurka Aids-ka qaba

ASTAAMAHA AMA CALAAMAADAHA LAGU GARTO BUKAHA CUDARKA AIDSKA

Calaamadaha lagu arko ofka u bukaha cudurka Aids-ka  waxaa loo kala saaraa saddex marxaladood oo kala duwan.

Calaamadaha la arko xiliga bilowga qaadida Feyraska HIV-ga (Period of Acute Infection).

Muddo ku siman toddobaadyo ama ugu badnaan sanad, taasoo ka billaabaneysa xilliga u horreysa ee uu bukuhu qaado feyraska HIV-ga ayaa ah xilliga u horreeya ee qofku muujiyo calaamado cudur, waana xilliga ugu horreeya ee baaris cudurkan ku saabsan la sameyn karo, si kastaba ha ahaatee caalamadaha uu muujiyo bukuhu marka uu marxaladan joogo waxaa ka mid ah:

  • Qandho (fever)
  • Madax xanuun (headache)
  • Barar iyo xanuun ku yimaada qanjirada difaaca (lyphadenopathy)
  • Caabuq ku yimaada gudaha dhuunta (pharyngitis)
  • Murqo xanuun (myalgia).
  • Daal (fatigue)
  • Xanuun ku yimaada kala-goysyada (arthratgia)
  • Finan yar-yar oo jirka ka soo yaaca (Macular rash)

Calaamadaha la arko xiliga u danbeya ee cudarka (crisis stage or Aids) Muddadaa dheer ee uusan bukuhu muujineyn wax calaamado cudur ah kadib, ayuu feyraska (HIV)-gu bilaabaa inuu tarmo (replication), uuna weerero unugyada difaaca jirka, gaar ahaan kuwa loo yaqaan “T4 cells”, kuwaasoo ka mid ah unugyada cad-cad ee dhiigga (WBCs), taas oo ugu dambeynta keenta inuu difaaca jirka hoos u dhaco amaba howl gabo gebi ahaanba. Marxaladan marka uu gaaro bukuhu waxaa dhib ugu filan cudur yar oo ku dhaca sida hargab, iwm, kaas oo keeni kara dhimashada bukuha, calaamadaha inta badan lagu arko dhibbanaha cudurkan qaba ayaa waxaa ka mid ah

  • Barbaro cad-cad (finan) ka soo yaaca carabka, cirridka iyo gudaha dhabanada (oral hairy leukoplakia).
  • Miisanka qofka oo si joogta ah isu dhima (weight loss).
  • Daal badan (fatigue)
  • Dhidid habeenkii ah (Night sweats) .
  • Shuban joogta ah.
  • Nabarro maqaarka sare ka soo baxa (koposis sarcoma).

Hadaba qofku marka uu gaaro marxalddan waxa uu unugulyhy xanuuno kale (opportunistic infection ) sida xanuunada ay keenaan  Bagteeriyada , fungaska, iyo qeybaha kale ee feyras-ka, kuwaas oo inta badan soo dedejiya dhimashada bukaha.

HADABA SIDE LA ISKUGU GUDBIYAA FEYRASKA (HIV) EE SABABA CUDURKA AIDS-KA:

Faryrus kan ama xanuuka waxaa lagu kala aadi karaa siyaabo badan oo ay ka mid yihiiin kuwaan soo socda;

  • Galmo lala sameeyo qof qaba cudurka Aids-ka.
  • Hooyo cudurka qabtaana waxa ay u gudbin kartaa ilmaha ay uurkiisa yeelato, kaas oo ku dhasha cudurkan laayaanka ah.
  • Dhiigga laga soo qaaday qof cudurka qaba oo lagu shubo qof kale ama la taabsiiyo nabar ama dhaawac jirkiisa ka mid ah.
  • Makiinad, qalabka qalliinka, iyo qalabka loo adeegsado ilkaha oo loogu adeegay qof cudurka Aids-ka qaba, qalabkaas oo loo adeegsado qof aan qabin fayruska.
  • Waxaa kale oo cudurkan la isugu gudbin karaa feyraska HIV-ga, caanaha, candhuufta, iyo dheecaanada kale ee jirka qofka Aids-ka qaba.

KA-HORTAGGA, XAKAMEYNTA IYO DAAWEYNTA CUDURKA AIDS-KA:

Ka hortagga ugu muhiimsan waxa weeye madaama cudurka lagu kala aado galmo inaan ku toosnaanno diinteena suuba sidaa darteed aan ka digtoonanao waxyalaha xun sida sinada iyo waxyaalah la halmaama, intaas ka dib waxaan hoos kugu soo bandhigiya siyaabo kale oo aynu iskaga ilaalin karno cudurkaan dilaaga ah, waxayna kala yihiin sidaan soo socota;

  • Qofka oo ku ekaada gurigiisa xalaasha ah, kii aan guursan uu ka joogo galmo guurka ka hor ah.
  • Wacyi-gelin dadka lagu wacyi geliyo waxa uu yahay cudurkani.
  • Dhiigagga la deeqo oo baaris lagu sameeyo intaan qofka kale lagu shubin.
  • Irbadaha qof lagu duro inaan qof kale loo isticmaalin,
  • Iyo inaan la wadaagin qalabka wax jarah sida Sakkiinta, Maaska iyo wixii la halmaam.

GUNNAANAD

Ugu dambayntii, cudurka AIDS-ka ayaa caalamku heegan ugu jireeen illaa iyo siddee tamaadkii sidii ay xal ugu heli lahaayeen, illaa iyo haddana wax xal ah looma hayo oo daawayntiisa ah  iyo ka-hortaggiisa midnaba. Sidaa darteed ayaa waxaa xogga la saraa ka hor tag, madamaama ay jirto oraah ornaysa ka hortaggu waxaa uu ka wanaagsan yhy daawaynta, waase haddi daawaynta la helo madaama aan xusnay cudurkaan in uusan daawayn lahyn.

Waxaa kaloo xussid mudan madama aynu nahay dad muslim ah inaynu diinta qabsani ku dhagnaano madaama ay tahay diin dhamaystirin iskan ilaalino wax kasta oo in horseedi kara cawaaqib xumo sida cudurkaan faafiddisa oo kale.

AFEEF

Maqaalka waxaan ka oray aqoontada gaabban, khibradayda iyo waliba afkaartayda, sidaa darteed way dhici kartaa inaad ku aragto wax khaldan, lakiin ma ahan wax si kama ah loogu daray ee waa gaf, waadna sixi kartaan, mahadsanid.

TIXRAAC

World Health Organizations (WHO)

Center for Disease Control (CDC), USA

By: Mr. Mohamed Mohamoud Hiirad, MPH

36

Lecturer (Full time) at University of Health Science (UoHS), 

Lecturer (Part time) at University of Bosaso (UoB),  Faculty of Health Science

E: hiirad100@gmail.com

About The Author