Ra’iisul Wasaare Khayre oo La-Taliye Sare u magaacabay Siyaasi Abdighani Orhaye
03 Dec 2017 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaaraha Xuykuumadda Faderaalka Soomaaliya ayaa Xasan Cali Khayre ayaa 28kii nov 2017 u magacaabay Siyaasi Siyaasi Abdighani Abdi Jama (Orhaye) La-Taliye Sare.
Abdighani Orhaye ayaa Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ka ahaan doona La-Taliye Sare ee Arimaha Siyaasadda iyo Wax-qabadka, xilkan oo ah mid aad u culus.
Waa kuma Siyaasi Abdighani Orhaye?
Siyaasi Abdighani Abdi Jama (Orhaye) waa Aqoonyahan shaqooyin badan oo kala duwan soo qabtay waxaana ka mid ahaa shaqooyinkii uu soo qabtay wuxuu kasoo shaqeeyey Xafiiska UNka ee soomaaliya.
Abdighani Orhaye wuxuu ka mid ahaa aasayaashii Jubaland, isagoo kasoo noqday Wasiirul Dawlaha Madaxtooyadda.
Abdighani Orhaye ayaa waxaa kale oo uu soo noqday La-Taliayahii arimaha Doorashooyinka ee Xafiiskii Ra’iisul Wasaarihii hore ee dawladda faderaalka Cumar C/rashiid, wuxuuna u maamulayey Gudiyadii doorashadda.
Puntlandes.com