Sawirro: Dawladda Puntland oo Deegaanka Darasalam ee Dagmada Bursaalax Maxjar ka hirgelinaysa
03 Dec 2017 (Puntlandes) Waxaa maanta booqday Deegaanka Darasalam Ee Dagmada Bursaalax wafdi ballaaran oo kala ahaa isuduwaha Gobolka Mudug ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Puntland, Gudoomiya Degmada Bursaalax, mas’uuliyiin ka socday wasaarada Deegaanka Puntland, mas’uuliyiin ka socday African Development Bank.
Wafdiga ayaa ujeedka booqashadoodu ahayd u kuurgelida ama sahaminta goobta laga dhisi doono Maxjar wayn oo ay dawladda Puntland ka dhisi doonto halkaas, kaas oo uu dhaqaalaha ku baxaya bixin doono African Development Bank.
Wafdiga ayaa shacabka Deegaanka kala hadlay sidii deegankaan looga hirgalinlahaa Maxjer wayn oo Xoolaha lagu Xanaaneeyo isla markaasna ah Suuqa Xoolaha ugu wayn ee Xadka ay Puntland la wadaagto Dawlada Federal Ethiopia, kaasoo noqonaya xarun lagu kontroolo caafimaadka Xoolaha laga siin lahaa Shahaadada Cafimaadka, laguna nasiyo oo lagu naaxiyo.
Shacabka Deegaanka Darusalam ayaa si wayn usoo dhaweeyey mashruucaan ay dawladoodu ka fulinayso Deegaankooda, waxayna hoosta ka xariiqeen inay diyaar u yihiin inay ka faa’iidaystaan Mashruucaan Balaaran iyagoo ku deeqay Dhulkii laga Dhisi lahaa.
Puntlandes.com