Shirka Amniga oo maanta ka dhacaya Xarunta Xalane & berri oo uu furmi doono..
04 Dec 2017 (Puntlandes) Shir Amniga Qaranka looga hadlayo ayaa maanta ka furmaya Xarunta Xalane waxaana shirka ka qeyb galaya xubno sar sare ah oo Beesha caalamka ka socda.
Shirkaan ayaa waxaa shir guddoomin doono Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyadoo ay ka qeyb galayaan Madaxda maamul goboleedyada, Taliyeyaasha Ciidamada, Safiirada Beesha Caalamka iyo Saraakiil Ajnabi ah.
Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) oo ka hadlay shirka ayaa sheegay in shirka looga hadlayo wixii ka qabsoomay shirkii May ee ka dhacay London, dib u habeynta ciidamada, howl galada, u diyaar garowga sidii Ciidamada Soomaaliya amniga ugala wareegi lahaayeen iyo qorshayaasha u degsan amniga.
Dhanka kale 5-ta bisha December ayaa waxaa isnaMuqdisho ka dhici doono shir loogu magac daray (Somali Partnership Forum), Madasha Saaxiibada Soomaaliya, kaasoo looga hadli doono arrimaha Maaliyadda, Ganacsiga iyo Qorsheynta kobcinta dhaqaalaha.
Maalintii shalay ayaa waxaa xarunta Madaxtooyada ka dhacay Shirka Golaha Amniga Qaranka oo uu shir guddoominayay Madaxweyne Farmaajo, ayna qeyb ka ahaayeen Ra’iisul Wasaaraha, Madaxda maamul goboleedyada, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Taliyeyaasha Ciidamada iyo Mas’uuliyiin kale.
Puntlandes.com