Golaha Golaha Ammaanka oo fadhi ka yeesha & Ergeyga QM ee Bariga Dhexe oo ka horyimid go’aankii Trump
09 Dec 2017 (Puntlandes) Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Bariga Dhexe, Nickolay Mladenov, ayaa ka digay in tallaabada Maraykanka ay dhalin karto dhibaato aan la mahdin oo ka dhex billaabata Israa’iil iyo Falastiiniyiinta.
Kulan degdeg ah oo uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka yeeshay arrinta Qudus, ayaa dalalka xubnaha ka ah marka laga reebo Maraykanka waxay cambaareeyeen go’aankii uu madaxweyne Trump magaaladaasi ugu aqoonsaday caasimadda Israa’iil.
Nikki Haley Safiirka Maraykanka ee Qaramada Midoobay, ayaa ururkaasi ku dhaliishay inuu wax u dhimayo hannaanka nabadda looga dhalinayo Bariga Dhexe.
Sidoo kale, ururka Jaamacadda Carabta ayaa lagu wadaa inuu maanta ka shiro go’aanka madaxweyne Trump ee ku aadan magaalada Qudus.
Go’aanka Trump ayaa waxaa dhaliilay dalal badan oo caalamka, ayna ka mid yihiin kuwo xulafo dhaw la ah dalka Maraykanka.
Puntlandes.com