Weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday Dugsiga Tababarka Booliska Jeneraal Kaahiye

14  Dec 2017 (Puntlandes) Weerar ismiidaamin ah aya saaka lagu qaaday Dugsiga Tababarka Booliska Jeneraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho, halkaasoo Ciidamada Booliska ka wadeen u diyaar garowga maalinta aasaaska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ee 20 December.

43b4

Qof xirnaa jaakadaha qarxa ayaa soo dhex galay Ciidamada oo safaf ku jiray, isla markaana gaardinayay, iyadoo mar kaliya la maqlay qarax weyn.

Warar horudhac ah ayaa sheegaya in dhimashada ay ka badan tahay shan ruux, halka dhaawacana uu gaarayo tobaneeyo ruux.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in qofka qaraxa ismiidaaminta fuliyay uu xirnaa dharka Ciidamada Booliska.

Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarka ismiidaaminta ee ka dhacay Barxada Dugsiga Tababarka Booliska ee Jeneraal Kaahiye.

Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa maalmahan ku guda jiray diyaar garowga ku aadan xuska Maalinta aas aaska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ee 20-December.

Puntlandes.com

About The Author