Akhriso Go’aan laga soo saaray nabadaynta Gaalkacyo
15 Dec 2017 (Puntlandes) Shirarkii nabadaynta ee ka socday Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa maanta laga soo saaray 5 qodob oo lagu joojinayo Colaadii guud ahaan Gobolka Mudug gaar ahaan magaalada Gaalkacyo kusoo noqnoqonaysay.
Qodobada maanta lasoo saaray ayaa ah kuwan hoose:
1- In la qaado jidgooyooyinka magaalada ugu danbayn berri oo Sabti ah
2- In qof walbaa xaq u leeyahay inuu gurigiisa si nabad ah ugu noolaado
3- In lasameeyo Ciidan isku dhaf ah
4- In lakala joogo goobaha hadda lakala joogo inta xal laga gaarayo
5- In la joojiyo hadalada probogaandada ah ee saxaafadda la isu maraniyo
Puntlandes.com