Daawo Video: Hay’adda la-dagalanka ADIS-ka Puntland oo sheegtay in Tahriibku qayb ka qaato fidinta ADIS

Garowe(Pes) Maanta oo Isniin ah ayaa Garowe ku qabatay munaasibad lagu xusayo maalinta ADIS-ka caalamka oo ku beegan 1 da dec
Gudoomiyaha hay’ada la dagaalanka cudurka Aids-ka Puntland ee PAC Cabdiraxmaan Siciid Maxamuud Dhagaweyne ayaa sheegay inay la nool yihiin 873 ruux oo ku nool gudaha Puntland. Sidoo kale wuxuu sheegay inay u dhinteen 84 ruux. Gudoomiyuhu waxaa kale oo uu sheegay inay haatan daawooyin qaataan 421 qof oo ku sugan xarumaha lagu hayo dadka la nool Aids-ka.
Cabdiraxmaan Siciid wuxuu sheegay fiditaanka xanuunkaan inuu ku yimid tahriibka dhalinyarada isagoo sheegay inay kasoo qaadaan saxaraha Libya. “ Dhalinyarada tahriibta ee uu qadsado Magafe ogaada waxaa lagusoo tallaalaa xanuunka Aids-ka,” ayuu yiri Dhago weyne oo intaas ku daray inay sanadka 2015 dhulka xeebaha iyo xuduudaha kale ee Puntland ka furidoonaa 10 xarumood oo lagu baaro Aids-ka.
Hoos ka daawo Cabdiraxmaan Dhagaweyne

Puntlandes.com

About The Author