Sawiro:Booqashadii madaxwayne Dr Gaas ee Galgala

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shalay oo ay taariikhdu tahay 2-12-2014 booqasho ku tegay Magaalada Galgala oo dhawaan ay si buuxda ciidamada Puntland ugala wareegeen Malayshiyo katirsan ururka argagixisada ah ee Al-shabaab.

Booqashada Madaxweyne Gaas uu ku tagay magaalada Galgala ayaa waxaa ku wehliyey qaar kamid ah Golaha Wasiirada Puntland ,Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland ,saraakil katirsan ciidanka Puntland iyo masuuliyiin kale.

Cutubyo katirsan ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa salaan sharaf siiyey madaxweyne Gaas waxana uu si kal iyo laab ah u salaamay dhammaan ciidanka xooga Daraawiishta Puntland ee halkaas ku sugan kuwaasi oo ubabac dhigay soo afjairida Koox diimeedka Al-shabaab.

Booqashadii Madaxweyne Dr Gaas uu ku tagay Buuralayda Galgala iyo Qudbadii uu u jeediyey Ciidamada Puntland ayaa waxay ahayd mid aad iyo aad loogu baahnaa uuna runtii Dr Gaas ku mutaystay. inkastoo ay tahay Waajibaadkiisa shaqo ee loo igmaday, in la yiraahda ”waad ku mahadsan tahay madaxweyne”
1002

1003

1004

1005

1006

1007

Puntlandes.com

About The Author