Sawirro: Wasiirka Qorshaynta Soomaaliya Jamaal Xasan & waftigii uu hogaaminayey ayaa oo si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Baran

02 Jan 2018 (Puntlandes) Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarunta Dhaqalaha dawladda Faderalka Soomaaliya Jamaal Maxamed  Xasan iyo waftigii ballaran oo uu hogaaminayey ayaa maanta Gaaray magaalada Baran, iyadoo si diiran loogu soo dhaweeyey halkaas.

Waftiga uu hogaaminayo ayaa waxaa ka mid ah wasiiro xildhinaano Puntland iyo Faderaalka ah.

Waftiga ayaa inta aysan Baran gaarin waxay sii mareen degaano kale oo Gobolka Sanaag ka tirsan, iyagoo kormeeray dhismaha wadada Ceeldaahir iyo Ceerigaabo oo meel gabo gabo ah maraysa iyo deegaano ku yaala sida Cawsane, Midigale iyo Rad ee Gobolka Sanaag.

Wafdiga Wasiirka waxay la kulmeen guddiga dhismaha wadada Ceeldaahir-Ceergaabo, waxaana uu wasiirku bogaadiyey sida ay wax u socdaan.

Wasiirka iyo wafdigiisu ayaa kulamo la qaatay Bulshada ku dhaqan Cawsane , Midigale iyo Rad, waxaana ay hada u gudbeen magaalada Badhan

Dhanka kale Wasiirka ayaa intuu jidka ksii jiray dhagax dhigay xarun Boolis oo laga hirgelinayo magaalada Midigale ee Gobolka Sanaag.

Wasiirka waxa kuwaheliyaw socdaalka
1. Wasirka Amniga Puntland.
2. Wasirka waxbarshada puntland
3. Wasir kuxigenka Dasturka
4. Wasir Dowlaha Xanaanada Xoolaha
6 Xildhibaano iyo madax Federal level ah sida Xildhiban

7. Xildhibano Puntland ah oo 6 ah.

Daawo sawirrada

24

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12

13

14

15

16

17

18

19

20

21

22

23
Puntlandes.com

About The Author