RW Khayre oo xilalkii ka qaaday Wasiirada Arimaha Gudaha, Dibadda & Ganacsiga oo
04 Jan 2018 (Puntlandes) Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa xilka ka qaaday seddex kamid ah golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya, iyadoo seddex kale oo cusub lagu badalay wasiiradaasi.
Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Eng C/raxmaan Yariisow oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in wasiirada arimaha dibada, arimaha gudaha iyo ganacsiga iyo warshadaha looga qaaday xilalkoodii wareegto kasoo baxday xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.
Yuusuf Garaad Cumar, Qadra Axmed Ducaale iyo Cabdi Faarax Juxa ayaa waayay xilalkii ay ka hayeen xukuumadda ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.
Wasiirada xilka laga qaaday ayaa waxaa lagu bedelay:
- Cabdi Maxamed Sabriye: waxaa loo magacaabay wasiirka arimaha gudaha.
- Maxamed Cabdi Xayir Maareeye: ayaa loo magacaabay wasiirka ganacsiga iyo warshadaha.
- Danjire Axmed Ciise Cawad: waxaa loo magacaabay wasiirka arimaha arimaha dibadda.
Wasiirada cusub ayaa lagu amray inay si dhaqso ah xilalkooda ula wareegaan, waxaana la sheegay in faafinta rasmiga ah lagu soo saari doono magacaabidda wasiirada cusub ee xukuumadda Soomaaliya.
Arinta waxay imaaneysaa iyadoo wali ay banaanyihiin boosaskii ay baneeyeen labo kamid ahaa golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya, oo kala ahaa wasiirkii gargaarka iyo wasiirkii diinta iyo Awqaafta halka uu RW Khayre magacaabay Wasiirada Gaashaandhiga iyo Hawlaha Guud.
Puntlandes.com