Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta soo gaaray Muqdisho
07 Jan 2018 (Puntlandes) Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho.
Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka, maamulka Gobolka Banaadir, masuuliyiin ka tirsan xafiiska Ra’aasul Wasaaraha iyo masuuliyiinta Wasaarada Arrimaha Dibadda.
Muqdisho ayaa maanta lagu wadaa in lagu dhaariyo Wasiir Axmed Ciise Cawad iyo sidoo kale labadii Wasiir oo kale ee 4-dii bashan January uu Ra’iisul wasaare Kheyre magacaabay.
Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda oo muddo ahaa safiirka Soomaaliya ee Mareykanka ayaa la aamin sanyahay in uu wax badan ka yaqaano Arrimaha Dibadda, isbedel weyna ku sameyn karo xiriirka Dowladda Federaalka ee dhanka Dibadda.
Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa maalmaha soo socda xilka kala wareegi doona, Wasiirkii hore ee Wasaaradaas Yusuf Garaad Cumar.
Puntlandes.com