Daawo Sawirrada Garowe oo aan loo kala harin soo dhawaynta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya
07 Jan 2018 (Puntlandes) Madaxweynaha JF Soomaaliya mudane Maxammed Cabdullaahi Farmaajo iyo wefdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa waxaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyey Garoonka diyaaradaha Cusub ee magaalada Garowe.
Madaxweynaha iyo wefdigiisa ayaa waxaa Garoonka ku soo dhoweeyey Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Cabdiweli Maxammed Cali Gaas, xubno ka socda labada Gole ee dowladda Puntland, Nabadoonno, Culimo, ganacsato iyo dadweyne aad u badan oo halkaasi ku sugayey muddo saacado ah.
Madaxweyne Farmaajo ayaa waxa uu dhexmaray magaada Garowe iyadoo ay wadada haeeraheeda ay tubnaayeen dadwayne aad u fara badan oo soo dhoweeynayey madaxweynaha,waxaana loo soo galbiyey dhanka Barxadda Garowe halkaas oo ay ku sugayeen dadwayne kunanaan gaaraya.
Halkan ka daawo sawirro hordhaca: Daawo sawirro hordhaca Madaxweynaha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya oo Garowe loogu soo dhaweeyey si aad u diiran
Daawo Sawirrada Garowe oo aan loo kala harin soo dhawaynta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya