Madaxweyne Farmaajo oo Golaha Wasiirada Puntland caawa shir la yeeshay
07 Jan 2018 (Puntlandes) Madaxweynaha JF Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqaso maanta ku yimid caasimada Puntland ee Garowe ayaa caawa Fiidkii waxa uu shir la yeeshay Golaha Wasiirada Dawladda Puntland.
Shirka Madaxweynaha iyo Golaha Wasiirada Dawladda Puntland ayaa ka dhacay xarunta Wasaaradda Maaliyadda ee dawladda Puntland, iyagoo wasiiradu uga warbixiyey Madaxweynaha xaaladda Amni iyo Horumarineed ee ay Puntland ku sugan tahay iyo waliba baahiya jira.
Madaxweyne Farmaaajo ayaa ku amaanay dawladda Puntland sida ay uga shaqaysay Amniga iyo Horumarka Puntland, isagoo ku dheeraday in shacabka Puntland ay yihiin dad dawladnimada jecel oo wanaagsan.
Puntlandes.com