BOOQASHADA MADAXWEYNAHA INTA UU JOOGO Puntland

07 Jan 2018 (Puntlandes) Madaxweynaha JF Soomaaliya mudane Maxamed Cabdulllaahi Farmaajo ayaa maanta booqashadiisii ugu horraysay ku tagay Caasimadda Puntland ee Garowe, waxaana loogusoo dhaweeyey si aad u heersaraysa.

24

Madaxweynaha ayaa waxaa uu hogaaminayey wafdi ballaaran oo ka kooban Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan labada Gole, hawl wadeeno xafiiska madaxweynaha ka tirsan. Waxaa kaloo weheliyay qaar ka mid ah ciidankiisa khaaska ah oo isugu jira Milateri iyo Nabadsugid.

Madaxweynuhu wuxuu caawa la kulmay Golaha Wasiiradda Dawladda Puntland.

Inta uu Madaxweynuhu joogo caasimadda Puntland wuxuu xariga ka jari doonaa Garoonka Caalamiga ah ee Garowe.

8 Feberaayo ayaa ku beegan munaasabadda 4 sano guuradii kasoo weeratay markii uu xilka Madaxweyninimada Puntland qabtay madaxweyne Dr Gaas, taasoo lagu soo bandhigi doono waxyaalo badan oo ay ka mid yihiin waxqabadkii Xukuumadda Dr Gaas mudadii uu xilka hayey. Xafladda waxaa goob joog ka noqon doona Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa.

Waxaa kale oo Madaxweyne Farmaajo shirar gooni gooni ah la yeelan doonaa dawladda Puntland isagoo booqan doono wasaarado ka mid ah kuwa Puntland.

Madaxweynuhu wuxuu usii ambabixi doonaa magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar, isla markaasna ah xarunta Dhaqanka Puntland, isagoo halkaas kula kulmi doona Boqor Burhaan.

Safarka Madaxweyne Farmaajo waxa uu ku wajahan yahay Xarunta Ganacsiga Puntland ee Bosaso.

Ugu danbayn M.Farmaajo ayaa kusoo gabagabayn doona safarkiisa uu ku marayo Puntland magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, wuxuuna halkaas ka furi doonaa shir dib u heshiineed kaasoo lagu xoojinayo nabadaynta Gobolka Mudug oo meel fiican hadda maraysa.

Intaas waxaa sii dheer isagoo Madaxweynuhu mari doono Degmooyin iyo deegaano badan oo Puntland ah lana kulmi doona qaybha kala duwan ee shacabka deegaanadaas.

Puntlandes.com

About The Author