Qaar ka mid ah Ciidamada Puntland oo ka Gadooday Mushahaar la`aan

Ciidamo gadoosan ayaa duleedka waqooyi ee magaalada Garowe soo gaarey. Ciidamadan ayaa saldhig ku lahaa tan iyo sanadkii lasoo dhaafey deegaanka Tuko-raq ee Gobolka Sool. Warbaahinta Puntlandes oo xiganaysa ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa ogaatay in gadoodka ciidamadan oo saldhig ku lahaa furinta u dhaxaysa Puntland iyo Somaliland ay timid ka kadib markii ay waayeen mushahrkoodii muddo gaareysa 4 bilood iyadoo dhinaca kale ay joojisay, sida xogtaan tibaaxeyso, Xukuumada Madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas adeegyadii shidaalka. Dhinaca kale Ilo madax banaan oo la hadlay Puntlandes.com ayaa sheegaya in subaxnimadii horre ee maanta in ciidanka gadoodsan si xoog ah ugala degeen gadiidka xamuulka ee marayay wadada isku xirta Garowe iyo Laas-caano shidaal ay kaga soo guureen jiida Tuka-raq.

Ma ahan markii ugu horaysay oo ciidamo gadoodsan oo musharkoodii waayey tan iyo intii ka dambeysay isbedelkii ka dhacay Puntland horaantii sanadka 2014. Xukuumada uu hogaamiyo Dr Gaas ayaa faan, Caburin, Xarig iyo marin habaabin ka dhigatay Caado.

Puntlandes.com

About The Author