Faalaynta Xeerka Guddiga Doorashooyinka

Dawlada Puntland waa dawlad leh dhammaan tilmaamaha Dawladnimo, sida dastuur, calan, astaan, ciidan, siyaasad, dhul, maamul iyo shacab ama muwaadiniin. Tan iyo sanadkii 1998-kii, gobollada ay ka taliso Dawlada Puntland waxay ku taagan yihiin jidka nabada iyo horumarka, waxaana Mahad Leh ILAAHAY iyo shacabka jecel nabada.

Doorashadii taariikhiga ahayd oo ka dhacday caasimada Puntland ee Garowe maalintii 8 January 2014 waxa muujisay bisaylka siyaasadeed ee shacabka iyo Dawlada Puntland. Xukuumadii hore waxaa la doortay bilawgii 2009-kii, xilligaas oo xaalada siyaasad, dhaqaale iyo ciidan ee Puntland ay liidatay, iyadoo maalmo ka hor doorashadii 2009-kii uu iscasilay Madaxweynihii Soomaaliya Cabdullahi Yusuf Axmed, tallabadaas oo dhabarjab siyaasadeed ku ahayd Puntland. Haseyeeshee, Xukuumadii Dr Cabdiraxman Maxamad Farole waxay ku tilaabsatay waxqabad la taaban karo, dhanka siyaasada, dhaqaalaha iyo ciidanka. Madaxweynaha iminka haya talada Puntland, Dr Cabdiwali Maxamad Cali Gaas markii la doortay 8 January 2014 wuxuu dhaxlay arrimo badan oo faa’ido u ah xukuumada cusub sida ciidamo dhisan, siyaasada iyo sumcada Puntland oo heer caalami la gaarsiiyay iyo nidaam maaliyadeed oo dhisan. Sido kale xukuumada Dr Gaas waxay dhaxashay nidaamkii doorashooyinka ee 2011-2013 oo ay xukuumadii hore wax badan ka qabatay sida diyaarinta shuruucda, wacyigelinta bulshada iyo tijaabinta nidaamka xisbiyada badan.

Nuqul kamid ah Xeerka Guddiga Doorashada ayaa markii taariikhda ahayd 27 November 2014, Golaha Wasiirada Puntland ansixiyeen iyagoo saldhig uga dhigay xeerkii ay ansixiyeen Xukuumadii Dr Farole lakiinse la sheegey in wax ka badal lagu sameeyey

Labada Xeer qodobadee isaga mid yihiin?

Xeerkii hore waxaa la oran jiray “XEERKA GUDDIGA DOORASHOOYINKA PUNTLAND” waxaana lasoo saaray 2 January 2011-kii. Xeerkaas wuxuu ka koobnaa 21-Qodob waxaana diyaarintiisa qeyb ka ahaa khuburo iyo waxgaradka bulshada, waxaana diyaarinta Xeerkaas mas’uuliyadeeda lahaa Allaha u naxaristee Dr Cabdi Xasan Jimcaale, wasiiru dowlihii hore ee arrimaha dimuqraadiga iyo dastuurka ee Puntland.

Xeerka cusub cinwaankiisu waa “WAX KA BEDDELID IYO DIB-U-HABAYN SHARCI LAMB. 1 EE SOO BAXAY 2DII JANUARY 2011 KUNA SAABSAN GUDDIGA DOORASHOOYINKA PUNTLAND” wuxuuna ka kooban yahay 24-Qodob.

Waxaa xusid mudan in cinwaanka lagu qeexay in “dib u habayn” lagu sameeyey Xeerkii hore ee Guddiga Doorashooyinka, arrintaas oo la fasiri karo inay wax ka qaldanayeen Xeerkii hore. Haseyeeshee, markii si qotodheer loo qiimeeyo lana isbarbardhigo labada Xeer, waxaa cadaanaysa in qiyaastii 90% ay isku mid yihiin iyadoo Xeerka cusub oo yahay “copy” Xeerkii hore.

Maxay ku kala duwan yihiin labada Xeer?

Xeerka cusub qodobada lagu kordhay waxay ka kooban yihiin:

  • Qodobka 1aad: Wax-ka-beddelid iyo dib-u-habeyn sharciga Guddiga Doorashooyinka Puntland (oo ka kooban 1-qodob hoosaad)
  • Qodobka 10aad: Dawrka Wasaarada Dastuurka, Arrimaha Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta ee ku wajahan doorashooyinka (oo ka kooban 3-qodob hoosaad)
  • Qodobka 9aad: Cinwaanka waxaa laga badalay “Xil ka qaadista Guddiga Doorashooyinka Puntland” waxaana loo badalay “Luminta xubinnimada Guddiga Doorashooyinka Puntland”
  • Qodobkaan waxaa lagu sameeyey isbadalo kala duwan. Xeerkii hore waxaa ku qornayd in xubin Guddiga ay xilka ku waynayso had ay ku kacdo “anshax xumo, musuqmaasuq ama xatooyo xoolo-dadweyne” qodobkaan waa laga saaray Xeerka cusub mana cadda sababta looga saaray qodobkaas muhiimka ah.
  • Qodobka 24-aad: Burin oo ka kooban labo qodob oo qeexaya in la buriyay “sharci iyo xeer kasta oo aan la socon karin amase ka horimaanaya xeerka”

Isbedelka lagu sameeyey Xeerkaan iyo xaalada Puntland

Xeerka cusub oo iminka horyaala Golaha Wakiilada Puntland waxaa lagu sameeyey isbedel si awood aan sharci ahayn loo siiyo Wasaarada Dastuurka Puntland, tallabadaas oo khilaaf iyo isdhexyaac ka dhex abuuri doonto Xukuumada, Wasaarada Dastuurka, Golaha Wakiilada iyo Gudigga Doorashooyinkii markii la magacaabo.

Xukuumadii hore waxaa mas’uul uga ahaa nidaamka xisbiyada badan Dr Jimcaale, hasayeeshee doorkiisu wuxu waafaqsanaa sharciga waxaana jirtay wadashaqayn buuxda dhanka Wasiiru dowlaha Dastuurka iyo Guddigii Doorashooyinka KMG ee hore iyadoo habe-yaraatee aan lagu magacabin xeerka gudahiisa awwodaha Wasiiru dowlaha.

Xeerkaan cusub wuxuu awooda siinayaana Wasaarada Dastuurka arrintaas oo u dhiganta in Guddiga Doorashooyinka (markii la magacaabo) uusan noqon doonin mid ka madax banaan Wasaarada Dastuurka iyo Xukuumada Dr Gaas, arrintaasna waxay khilaafsan tahay Dastuurka Puntland oo qeexaya in Guddiga Doorashooyinka uu ka madaxbanaan yahay Xukuumada Puntland.

Qodobka labaad waxa isweydiin mudan sababta looga saaray qodobka qeexaya in “anshax xumo, musuqmaasuq ama xatooyo xoolo-dadweyne” ay ka midyihiin waxyaalaha ay xubnaha Gudiga Doorashooyinka xilka ku waayi karaan.

Ugu danbeyn, xukuumadii Dr Farole waxay baajisay doorashooyinka Golayaasha Deegaanka 14 July 2013-kii ka dib markii kooxo siyaasad wata ay mudaharaad iyo buuq siyaasadeed ku fureen tijaabintii nidaamka xisbiyada badan ee Puntland. Tallaabdii Dr Farole waxay ahayd mid lagu ilaalinayo amniga iyo midnimada Puntland.

Sido kale waxa xusid mudan in dadkii abaabulka, isku dirka bulshada iyo mucaaaradnimada hubaysan kala horyimid nidaamka xisbiyada badan ay maanta Dawlada Puntland ka hayaan xilal kala duwan sida Wasiiro iyo saraakiil.

Shacabka Puntland oo jecel nabada iyo horumarka uma baahna mana istaahilaan inay Dawlada Puntland ku talaabsato khiyaano iyo wax khilaaf horleh abuuri kara. Baarlamaanka Puntland waxaa looga fadhiyaa inay la xisaabtamaan Xukuumada si loo hubiyo in Gudiga Doorashooyinka uu noqdo mid madaxbanaan, magaacaabistiisa iyo waxqabadkiisana uusan abuurin khilaaf iyo isqabqabsi Golayaasha Dawlada.

About The Author