Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan magaalada Qardho
09 Jan 2018 (Puntlandes) Madaxweynaha Jamhuuruyadda Faderalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ku wajahan magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar, halkaasoo ay si xawli ah uga socoto diyaar garoowga soo dhowayntiisa.
Madaxweynaha JFS oo berri oo ay taariikhdu tahay 10ka Jan 2018 safar ku tagaya magaalada Qardho ayaa halkaas kula kulmi doona Boqor Burhaan Boqor.
Madaxweyne Farmaajo ayaa maanta khudbad taariikhi ah ka heediyey hoolka Jaamacadda Bariga Afrika, halkaasoo uu kula hadlay qaar ka mid ah ardayda Jaamacadaha wax ka dhigta, kuwaasoo madaxweynaha ka dhegaystay khudbad dheer oo ku saabsanayd siyaasada dowladdiisa uga degsan jihaynta mustaqbalka jiilka soo baxaya.
Dhanka kale Madaxweynaha ayaa kormeer ku sameeyay qaar kamid ah xarumaha dowladda ee Garowe, waxaana kormeerkaas ku wehliya madaxweyne Gaas.
Puntlandes.com