Ciidamo ka socdo AMISOM oo tagaya magaalada Dhuusomareeb
14 Jan 2018 (Puntlandes) Magaalada Dhuusomareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa waxaa ku wajahan ciidamo ka socdo AMISOM, iyagoo xaqiijin doonaan amaanka magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud oo la filayo inay tagaan wafdiga uu hogaaminayo madaxweynaha JF Soomaaliya mudane Maxamed cabdulaahi Farmaajo.
Cabdisamad Macalin Maxamuud oo kamid ah masuuliyiinta wada qaban qaabada safarka madaxweynaha ee magaalada Dhuusomareeb ayaa xaqiijiyay in ciidamada ay yihiin kuwo ka qeyb qaadan doono amaanka magaalada.
“Waa la rajeynayaa in ciidamo ka socdo AMISOM ay yimaadaan halkaan si ay ula dagaalamaan Al Shabaab, waxay tagaan haraaraha magaalada si amaanka loo xaqiijiyo”ayuu yiri Cabdisamad.
Madaxweyne Farmaajo oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa la filayaa inuu uga sii gudbi doono dhanka maamulka Galmudug, isagoo booqan doona magaalooyinka Cadaado, Guriceel, Caabudwaaq iyo magaalada Dhuusomareeb.
Puntlandes.com