Sawiro: Maamulka degmada Bursaalax & wafdi kasocda Wasaaradda Arimaha gudaha dawladda Puntland & khabiiro weheliyey oo shirwayne ku qabtay Bursaalax

15 Jan 2018 (Puntlandes) Maamulka degmada Bursaalax iyo wafdi kasocda Wasaaradda Arimaha gudaha dawladda Puntland iyo khabiiro weheliyey wafdiga ayaa waxay shirwayne u qabteen in kabadan 500 oo ah bulshada ku nool degmada Bursaalax, kuwaas oo la iskugu yeeray wacyigelin dhanka horumarinta canshuuraha degmada Bursaalax ka bilaamay.

Nidaamka canshuuraha ayaa meel fiican ka maraya degmada, waxaana barbar socda wadatashi ku aadan baahiyaha asaasigaa ee bulshada Bursaalax u baahantahay in loo hirgeliyo sida ugu dhaqsaha badan.

Barnaamijka PICD oo ah ka wada qaybgalka isku dhafan ee horumarinta Bulshada taas oo bulshada lagu wacyigelinaay inay horumarka kawada qaybgalaan.

 

Waxaa shirwaynahaas ka hadlay Maamulka degmada, Madaxa Kooxda ka socotay Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Horumarinta Dawladda Hoose Mudane Cabdiqaadir Cilmi, gudiga odoyaasha Bursaalax , Hooyooyinka iyo Dhalinyarada waxayna fagaaraha ka cadeeyeey in Degmada Bursaalax caan ku tahay Isku tashiga ayna si wadajir ah uga qaybqaadan Doonaan Mashruucaan JPLG.

 

Gudoomiyaha Cusub ee Degmada Bursaalax Mudane Maxamed Saleebaan Diiriye ayaa mudadii koobnayd ee hayey Gudoomiyaha degmada Bursaalax wuxuu soo kordhiyey waxqabadyo aad ugu qiimo badan kuwaas oo ay kamid yihiin Diyaarinta iyo Samaynta Dhamaan dukumentiyadii Dawladda hoose  oo aan horay u jirin , Isku xir bulshada qaybaheeda kala duwan , Dhiiragelinta bulshada inay isku tashadaan ,Daahfurka Xafiiska iyo shaqaalaha Dawladda Hoose Ee Degmada Bursaalax oo si rasmi ah u bilowday Hawlihii Shaqo guud ahaan.

Bulshada Degmada Bursaalax ayaa aad ugu baraarugsan waxqabadyada xawligaa ee ka socda Degmada Curdankaa ee Bursaalax.

Daawo sawirrada
1

2

3

3a

4

4a

5

6

7

8
Puntlandes.com

About The Author