Daawo Video: Suldaanka guud ee beelaha Somaaliland Suldan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa baaq nabadeed u diray Puntland & Soomaliland
14 Jan 2018 (Puntlandes) Suldaanka guud ee beelaha Somaaliland Suldan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa baaq nabadeed u diray Puntland iyo Soomaliland inay joojiyaan collaada kasoo cusboonaatay degaanka Tukaraq ee gobalka Sool xaaladana ku dhameeyaan wada hadal nabadeed.
Suldaanka oo saxaafada kula hadlay magaalada Hargeysa waxa uu sheegay in labada shacab ee Puntland iyo Soomaaliland ay yihiin dad isaga dhaw Soomaalida kale aysana ahayn inuu dhex maro dagaal dhiig ku daato, lana kala fogeeyo labada dad ee walaalaha.
Suldaanka ayaa wuxuu ka codsaday labada dhinac ee isku hor fadhiya gobalka Sool inay kala qaadaan ciidamada xiisada taagana ay kawada hadlaan si loo baajiyo dagaal dhex mara labada ciidan ee lagu soo daabulaayo gobalka Sool.
Daawo baaqa Suldaanka guud ee beelaha Somaaliland Suldan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir
Puntlandes.com