Sawirro: Qaar ka mid ah Isimada Puntland qado Sharaf u Sameeyay Madaxwaynaha Puntland & Madaxwaynaha JF Soomaaliya

Madaxwaynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxwaynaha dawladda DF ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta 14 january 2018 waxaa qada sharaf ugu  sameeyay Magaalada Gaalkacayo Islaan Bashiir Islaan Cabdulle Islaan Faarax.

Munaasabada hadhimo sharafeedka ayaa waxaa kasoo qayb galay golayaashada dawladda Puntland, golayaasha Dawladda Faderaalka Soomaaliya,  qaar kamid ah saraakiisha Madaxtooyada dawladda Puntland iyo marti sharaf kale.

Munaasabadaan ayaa waxaa ku maamuusay madaxda dawladda Puntland iyo madaxda dawladda Federaalka ee Soomaaliya Islaan Bashiir Islaan Cabdule, waxaana ay ahayd munaasabad lagu soo dhawynayo Madaxwaynaha DF Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo wefdiga balaadhan ee uu hogaaminayo oo booqsho ku jooga Puntland.

Madaxwaynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  iyo madaxwaynaha dawladda federaalka ee soomaaliya ayaa si wadajir ah ugu mahad celiyay Islaan Bashiir Islaan Cabdule iyo dhammaan Isimaadii kaqayb qaatay Munaasabadan qada sharafta ahayd.

Dhinaca Kale Islaan Bashiir Islaan Cabdile oo Kalamado Kooban Madasha Ka Jeediyay Ayaa  Waxa Uu Shegay In Bur burkii Dawladii Dhexe Ay saameyn Wayn U gaysatay gobolkan .loona baahan yahay in xal waara laga aro waxana u kaloo Sheegay In gogol nabdaeed taalo.

Sidoo kale Madaxweynha DF Soomaaliya oo ka mahad celiyey qada sharafta ayaa sheegay in gobolku u baahan yahay dib u heshiisiin buuxda, loona diyaariyo caasimada ganacsiga gobolada dhexe, sidoo kale madaxweyne farmaajo wuxuu sheegay in dadka gobolkan daga ay yihiin walaalo aan kala maarmin loona baahan yahay in nabada gobolkaan  laga wada shaqeeyo.

Ugu danbayn Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr.Cabdiwali Maxmed Cali Gaas oo hadal kooban ka jeediyay munasabda ayaa uga mahad naqay islaanka qada sharftan iyo maamuskan loo sameeyay madaxweynha DF Soomaliya Iyo dhamaan marti sharfta kale ee ka soo qayb gashay, isla mar ahaantana sheegay in xafladani soo geba gabeysay socdaalki madaxweynaha DF Soomaaliya.

 

 

 

Puntlandes.com

About The Author