Sawirro: Madaxwaynaha Dawladda Puntland oo Xadhiga kajaray Cusbataalka Magaalada Cagaaran
Madaxwaynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 14 jan-2018 ayaa waxaauu xadhiga kajaray cusbataalka magaalada Cagaaran ee gobolka Mudug.
Madaxwaynaha dawladda Puntland ayaa waxaa ku wehelinayay munaasabada xadhig jarka cusbataalka masuuliyiin katirsan labada gole ee dawladd Puntland, maamulka gobolka Mudug, kan degmada gaalkacayo, qaar katirsan saraaakiisha Madaxtooyada dawladda Puntland iyo masuuliyiin kale.
Madaxwaynaha dawladda Puntland oo oo kahadlay munaasabada xadhig jarka ayaa u mahad celiyay bulshada magaalada Cagaaran waxaana uu Madaxwaynuhu sheegay in cusbatalkani wax badan ka bedeli doono baahida caafimaadka ee kajirta deegaanka, isla marahaantaana waxaa uu madaxwaynuhu xusay in uu kamid yahay mashaariicda isku tashiga bulshada Puntland.
“Waad mahadsantihiin dhammaantiin Soo dhawaynta aad noo samayseen, aad ayaan Ugu farxsanah in aan maanta xadhiga kajarno cusbataalka magaalada Cagaaran oo ah cusbitaal ay dadku kudhiseen isku tashiga bulshada dhexdeeda waana talaabo loo qaaday dhanka horumarka waxbadan ayaa inoo qabsoomaya hadaan iskaashano waad mahadsantihiin “ayuu yiri Madaxwaynaha dawladda Puntland.
Dhinaca kale madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa caawa kulan la qaatay midowga ardayda jaamacadaha Gaalkacyo ee magacooda loo soo gaabiyo ( GUYA ) munaasabada oo ka dhacday hoolka jaamacadda Global Science university.
munaasabada ayaa waxaa ka soo qeyb galay masuuliyiin ka tirsan dawladda Puntland maamulka gobolka, kan degmada Gaalkacyo, Dr Abdulkadir (dhagacade) barayaasha jaamacadaha Gaalkacyo ardayda wax ka barta jaamacadaha , dhammaan masuuliyiintii ka hadashay munaasabada ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin in uu Madaxweynaha dawladda puntland kulan kala soo qayb galo.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr .Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ardaydii ka soo qayb gashay kulanka ugu sheekeeyey qiimaha ay leedahay waxbarashadu iyo doorka ay aqoontu ka qaadan karto dhismaha iyo hormarka dalka, sidoo kale waxa uu ku booriyey ardayda in ay kor u qaadaan dadaalkooda ahmiyad gaar ahna siiyaan waxbarasha.
Ugu danbayn Madaxweynaha dawlada Puntland ayaa ardayda kulanka ka soo qayb gashay kula dardaarmay in ay waxbarashadooda sii wataan.
Puntlandes.com