Wasiirka Warfaafinta Puntland weerarka ay Somailand ku qabsatay Tukaraq & arimo kale o xasaasi ah

16 Jan 2018 (Puntlandes) Wasiirka Warfaafinta, Isgaariisiinta iyo dhaqanka dawladda Puntland Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) oo la hadley saxaafada isaga oo ku sugan magaalada Boosaaso, ayaa hadlay weerarka ay Somailand kusoo qaaday Puntland ee ay qabsatay Tukaraq iyo waxa ka soo cusboonaadey, safarkii Madaxweyne Farmaajo, fadeexad ay gashey BBC ee la xiriirta booqashadii Farmaajo ee Boosaaso iyo arrimo kale.

33

Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa sheegay in danta kowaad ee Somaliland ka lahayd duulaanka Tukaraq ay ahayd in ay carqaladeeyaan safarkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda markii uu booqnaayey Garoowe, laakiin aysan caano ka maali doonin.

Cabdi Xirsi ayaa sheegay in damaca Somaliland uu yahay mid aan suurtagal ahayn oo laga hortagaayo, wuxuu ku eedeeyey Somaliland in ay qayb weyn ka yihiin carqaladda guud ahaan Soomaaliya waxaana uu tusaale u nsoo qaatey sida ay u taageeraan al-Shabaabka ku jira buuraha sil-silada Golis.

Wasiirka Warfaafinta ayaa u digey kuwa tashuushka ku furaayo isdifaacida Puntland, waxaana uu sheegay in meel looga soo wada jeesto.

daawo shirkii jaraa’id ee wasiirka

Puntlandes.com

About The Author