Madaxweyne Gaas oo gaaray magaalada Dhuusamareeb
17 Jan 2018 (Puntlandes) Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimada maamulka Galmudug.
Madaxweyne Gaas ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb ku soo dhoweeyay Madaxda Galmudug iyo Mas’uuliyiin kale, iyadoo la dejiyay guri gaar ah oo looga diyaariyay magaalada.
Dr Gaas ayaa waxa uu Dhuusamareeb u gaaray inuu goob joog ka ahaado dhaqan gelinta midayta Ahlusunna iyo maamulka Galmudug.
Puntlandes.com