Sawirro: Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Dib ugu Soo Laabtay Magalada Garoowe ee Casimadda Puntland.

Madaxwenaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo safar ugu maqnaa magaalada Dhuuso-Mareeb ee casimadda maamulka Galmudug ayaa caawa oo ay taarikhdu tahay 18 Januaray 2018 waxa uu dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe,

Madaxwaynaha dawladda Puntland, oo ay safarkiisa ku welinayeen wasiirka arimaha gudaha ee dawladda Puntland, saraakiil katirsan Madaxtooyada dawladda Puntland.oo malintii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Dhuuso-Mareeb ee caasimadda maamulka Galmudug.

Madaxweynaha dawladda Puntland iyo wafdiga uu hogaaminaayo ayaa waxa ay magaalada Dhuuso-mareeb kaga qayb galeen dhameystirka hishiiska mamulada Galmudug, iyo Ahlusunna-Waljameeca.

Dhinaca kale hishiiska labada maamul ee Galmudug iyo Ahlusuna-waljameeca ayaa waxa uu ku soo dhamaada is afgarad waxaana magala madaxda Galmudug, oo ahyd magalada cadaado laga dhigay magalada Dhuuso-Mareeb.

Ugu danbeyn madaxweynah dawaladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxmed Cali Gaas ayaa markii ugu horeeysay xili habeenimo ah ka soo dagay garoonka caalamiga ah ee genaraal Maxamed Abshir Muuse, oo dhawaantan xariaga laga jaray.

26

26a

26a1

26a2
Puntlandes.com

About The Author