Sawirro: Wafdi kasocda Wasaaradda Arimaha gudaha Puntland & Hay’adaha taageera horumarinta Degmooyinka Puntland oo booqday degmada Bursaalax
18 Jan 2018 (Puntlandes) Wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arimaha gudaha dawladda Puntland Maxamed Cali Nuur (Jubba) oo ay qayb ka ahaayeen Hay’adaha taageera horumarinta Degmooyinka Puntland ayaa maanta booqday degmada Bursaalax, halkaas oo uu ku soo dhaweeyey Gudoomiyaha degmada Bursaalax mudane Maxamed Saleebaan Diiriye
Wafdiga ayaa ujeedada socdaalkoodu ahaa inay maamulka degmada iyo shacabka ka xog waraystaan Barnaamijka JPLG oo laga hirgelin doono degmadda, kaasoo lagu horumarinayo degmada.
Sidoo kale waxay wafdigu shacabka degmada Bursaalax ku baraarujiyeen inay ka faa’iidaystaan Barnaamijka JPLG, kana qayb qaataan horumarinta degmada sidii caadada u ahayd.
Shir ballaaran oo ay Maamulka degmada Bursaalax u qabteen wafdiga kasocda Wasaaradda Arimaha gudaha dawladda Puntland oo ay qayb ka ahaayeen Hay’adaha taageera horumarinta Degmooyinka Puntland, Agaasimaha Wasaaradda Arimaha gudaha ee gobolka Mudug iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada degmada Bursaalax sida Wakiilo ka socday xaafadaha degmada Bursaalax, Ganacsato, Cuqaal, waxgarad, Culimaa’udiin, dhalinyaro iyo wakiilo ka socday Haweenka degmada oo ah kuwa caan ku ah firfircooni iyo inay door muhiim ah ka qaataan horumarinta degmada.
Waxaa shirwaynahaas ka hadlay Maamulka degmada, Madaxda ka socotay Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Horumarinta Dawladda, gudiga odoyaasha Bursaalax , Ganacsatada, Wakiilada xaafadaha, wakiilo ka socday haweenka iyo Dhalinyarada waxayna fagaaraha ka cadeeyeey in Degmada Bursaalax caan ku tahay Isku tashiga ayna si wadajir ah uga qaybqaadan Doonaan Mashruucaan JPLG.
Daawo sawirrada
Puntlandes.com