Madaxweyne Farmaajo oo safar dhulka ah ku wajahan Magaalada Guraceel

19 Jan 2018 (Puntlandes) Madaxweynaha JF Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hugaaminaayo ayaa la filayaa saacadaha soo socda inay safar djhanka dhulka ah ku gaaraan Magaalada Guraceel ee Gobolka Galguduud kana mid ah deegaanada hoos yimaada maamulka Galmudug.

20a1

Guraceel ayaa waxaa ka socoto qaban qaabada soo dhaweynta Madaxweyanaha, waxaana halkaas gaaray wasiirka Arimaha Gudaha ee DFS oo u gogol xaaraya safarka madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug 16kii bishan isagoo ku sugnaa muda afar cisho ah, kana ahaa goobjoog u guurida maamulka Galmudug u guuray caasimadiisa iyo isku biiristii Ahlusunna iyo dawlad Goboleedka Galmudug.

Wararka safarka madaxweynaha kala soco Puntlandes.com

Puntlandes.com

About The Author