SOCDAALKII NABADEED EE MADAXWAY NAHA QARANKA SOOMAALIYEED FARMAAJO KU MARAY DHULKII XADAARADA EE FILKA WAYNAA PUNTLAND

Madaxwaynaha umada soomaaliyeed mudane Maxamed Abdullahi Farmaajo ayaa dhawaanahanba dalka gudihiisa ku maraya socdaal nabadeed,u kuur galid iyo wax ka ogaasho nolasha shacabka soomaaliyeed ee ku nool gobolada dalka.hadaba waxaan in yar dulmaraynaa boqooshadiisii socdaal sahan nabadeed ee uu ku gaaray dawlada Puntland ee kamidka ah dawalda fadaraalka ee soomaaliyeed.

24

Madaxwayne Farmaajo waa markii uugu horeeysay ee uu booqasho ku yimaad dhulka uduga iyo fooxa ee Puntland ee soomaaliyeed.qorshaheenu maha hada in aan qaadaa dhigno oo ka sheekayno taariikhda filka wayn ee dhulka PUNTLAND iyo dadkiisa,taasi waa mid ku cad taariikhaha aduunka kuwooda uugu muhiimsan xadaarooyinkii dhashay ee iska danbeeyay,kuwaas oo dhulka puntland iyo dadka puntiga ahba lagu hayo taariikhdooda madxafyada dalka masar iyo dalalka reer galbeedka iyo shiinaha,turkiga,isla markaana lagu dhigo jaamacaadka aduunku qaybaha taariikhda iyo raacdaynta facyaalo wixii aduunkaani soomaray aadanuhu inta la kaydiyay.

 

Dadka soomaaliyeed waa dad leh taariikh filwayn oo soo jireen ah,xaybayna u leeyihiin in ay ku faanaan taariikhdooda geeska afrika ka jirtay.Madaxwayne farmaajo waxa uu ka dagay caasimada dawlada puntland 7.1.2018, intii uusan soo caga dhugan dhulka barakaysan ee puntland,waxaa shacabku helay xam xamta socota oo jabaq baa u baxday! ileen waa shacab wadani ah oo u heelan qaranimada soomaaliyeed ee markiiba arinkii waa hubsadeen,kol haday u cadaatay in madaxwaynihii qaranku ku soo fool leeyahay,waxaa laysaga yimid,tuulo iyo dagmo iyo gobolkasta oo kamid ah gayiga puntland.

 

Waxaa shacabkii isu yimid diyaariyeen marxabayn iyo soo dhawayn bashar loo sameeyo tii u saraysay oo kal iyo laab ah.waxaa daafaha dunida laga daawanaayay soo dhawayntii madaxwaynaha umada soomaaliyeed oo ah madaxwayne wadaniya daacad u ah hogaaminta iyo nabad ku soo dabaalida dhulka soomaaliyeed ee mudo nus qarni ah dayaca dawlad la aanta ah  haystay. Madaxwayne farmaajo waa nin ay ka go antahay xasilinta soomaaliyeed,bad iyo bari iyo cirba dalkana ku soo dabaalaya dawlad buuxda oo soo celisa sharciga iyo kala danbaynta dalka soomaaliya.Sidaa daraadeed ayay u bilayaan shacabka puntland madaxwaynahooda.Puntland waxaa ka go an in dalkeena soomaaliya helo nidaam iyo kala danbayn buuxda lamana aqbali karo nolol dawlad la aan ah sida duurjoogta.

21a10

Shacabka dagan caasimada dawalada puntland salaadiintootii sida islaan Ciise Islaan Maxamed iyo kuwa kalaba,dhalinyaradii wiilal iyo gabdho,dumarkii,odayadii,madaxwayne Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo madaxwayne ku xigeenkii Inginer Camay iyo madaxdii oo dhan culimadii diinta, looma kala harin soo dhawayntii qiimaha lahayd ee madaxwayne farmaajo iyo waftigiisiiba.Garoowe way gudatay waajibkii qaran.

 

QARDHO IYO XARUNTII DHAQANKA EE BOQORTOOYADU FADHIDAY OO SOO DHAWAYSAY MADAXWAYNE FARMAAJO

received_1647435558645940

Madaxwayne Farmaajo waxaa uu soo gaaray Magaalada dhaqanka ee soo jireen ka ah ee puntland  QARDHO 10.1.2018. halkaa waxa uu kula kulmay shacab bisil oo xadaari ah.waxaa loo soo dhaweeyay si sharafleh iyo maamuus.madaxdawladeed iyo madax dhaqan iyo shacab looma kala harin soo dhawaynta madaxwaynaha iyo waftigiisa.Boqortooyada soo jireenka ah ayaa soo dhawaysay madaxwaynaha iyo waftigiisa isagoo xaruntiisa uu ku qaabilay boqorka hada saldanada boqortooyada waa boqor Burhaan boqor maxamuud boqor muuse boqor. si diiran ayuu usoo dhaweeyay hadiyadna ku gudoon siiyay haybad iyo karaamo leh.Qardho waa gudatay oo muujisay u heelanaanta qaranimada iyo dawladnimada soomaaliyeed.

 

DAGMADA WAACIYE OO SOO DHAWAYSAY MADAXWAYNE FARMAAJO

19a6

Madaxwayne famaajo waxa uu ku hakaday dagmada waaciye oo si wayn loogu soo dhaweeyay laguna gudoon siiyay hadiyado faraxad iyo kal gacal tooyo buuxda,looma kala harin salaadiin dhaqan iyo madax dawladad iyo maamul iyo qaybaha kala duwan ee shacabka dagmada waaciye,waxayna muu jiyeen si lamid ah sidii ay hore u muu jiyeen magaalooyinka Garoowe iyo Qardho taageero buuxda oo loo hayo dawlada soomaaliyeed ee madaxwaynaha qaranka soomaaliyeed mudane farmaajo.dagmadu waa ay gudatay u diyaar garoowga difaaca dalka iyo diinta iyo dawlada soomaaliyeed iyo dadkaba.

 

DAGMADA CARMO EE GOBOLKA BARI OO SOO DHAWYSAY MADAXWAYNE FARMAAJO

7

11.1.2018 Waxaa safar dhulka ah ku yimid madaxwaynaha umada soomaaliyeed,farmaajo dagmada carma,aragti mooyee wax sheeko lagu sawiri karo maha waxa halkaa ka dhacay ee ah sharaf iyo marti qaad iyo soo dhawayn kii usareeyay abid ee loo sameeyay mudane farmaajo iyo dr cabdi wali iyo wufuudii la socotay,maxaa culumadii diinta ah,maxaa beel daajiyayaal iyo suldaana ah maxaa dhalin yaro willal iyo gabdhabo leh isu soo baxay ma akhyaartaagan,maxaa ganaacsato iyo maal qabeen taagan,dadkii carmo wax haray ma jiro waa loosoo wada istaagay madaxwaynaha qaranka farmaajo.hadiyado ayaa lagudoon siiyay iyo hanti ma guurto ah oo muu jinaysa kalgacalka iyo qadarinta taasoo dhul hadiyad loo siiyay madaxwaynaha taasoo muu jinaysa heerka rabitaanka iyo maamuusida madaxda qaranka ay carmo u hayso.dagmada carmo waa gudatay hawshii soomaalinimada ay ka hayeen dhinacooda waana mahad sanyihiin madaxwaynuhuna aad iyo aad buu maqsuud uuga noqday shacabkiisa.

 

XARUNTA GANAACSIGA EE PUNTLAND BOOSAASO OO SOO DHAWYSAY MADAXWAYNE FARMAAJO

 

27

11.1.2018 Waxaa  magaalada boosaaso soo gaaray mudane farmaajo,qofkii illaahay jeclaado umadiisuu jeclaysiiyaa waa calaamooyinka lagu garto qofka khayr wadaha ah ee xaga alle laga jecel yahay,kol hadaad aragtaan qof sidaa loo jecel yahay.waxaa shacabkii reer boosaaso safteen laga bilaabo halka magaalada laga galo in kabaxsan 10 km ayaa dadku safnaa oo is haystay,iyadoo ay luxayaan calankeenii cawaale ee quruxda badanaa ee soomaaliyeed.waxay ruxayeen caleemo qoyan,waa heesayeen waana gab yayeen waana geeraarayeen,waa ciyaarayeen,waa buraan burayeen,waana sacabainayeen,halkan weeye hooyadii iyo wadaniyada soomaaliyeed saldhigeedu waa boosaaso.ilbaxnimo iyo reer magaalnimo halkii u danbaysay waxaad uugu imanaysaa boosaaso.

28a16

Fardaha iyo gawaarida qaaliga ah ee kala nooca ah iyo waxa gaadiid lagu galbiyay madaxwaynaha umada soomaaliyeed waa mid naf aragtay ay inbadan ka sheekayn waayo.Ileen waa dad allaah wax siiyay ee waxay dajiyeen qasri oo seexiyeen gogol nin wayn,taasoo madaxwaynuhu u seexday si xasiloon isagoo qalbigiisa ay buuxisay faraxad iyo rayn rayn ku dhalatay markuu arkay waxa jacayl ay u hayaan shacabkiisu iyo kalsooni.Hade horaa loo yiri “rag gogoshii waa nabad” nabad buu u seexday,caradana lagama yaqaan hoobiyo la tuuro!

 

Madaxwaynuhu waa cusub ayaa u baryay waxa uu ogaaday,in isagoon cidba waar diyaynayn uu magaalada sida dadkaa dagan oo shacabka ah u dukaamaysan karo,maxaa yeelay waa magaalo nabad ah oo dadku yahay dad nabadeed oo xadaari ah.maxaa yeelay hadaan nabad jirin hade nolol iyo mustaqbal miyaa jiraya? hadaan dawlad iyo sharci danbiilaha qabtaa jirin macnaheedu waa wax jiraa majiraan oo nolol ah.madaxwaynuhu waxa uu aad ula yaabay dadkan soomaaliyeed dawlad jacaylkooda iyo sharci jacaylkooda.qofkii qof dila waa la dilayaa sharcigaa qabanaya,kii wax xada waa la xirayaa sharcigaa qabanaya,kii wax dhaca sharcigaa qabanaya,sharcigaa sareeya oo dadkani ku shaqeeyaan majiro qabiil iyo tol baa i badbaadin midna.

 

Boosaaso waa magaalo ay ku dhan yihiin gobolada soomaaliya oo dhan,waa meel loo siman yahay oo qof walbaa ku haysto xurmo iyo qadarin soomaalinimo sharcibaana ka jira xad gudub malaha.boosaaso waxay muu jisay soomaalinimo iyo inay u hiiliso qaranka soomaaliyeed dawladana la garab istaagto hiil iyo hooba.waxay si buuxda u taageersantahay madaxwayne farmaajo iyo dawlada soomaaliyeed.waa mahad sanyihiin

 

MAGAALADA GALKACAYA OO AAN U KALA HARIN SOO DHAWAYNTA FARMAAJO

13

Waxaa sharaf iyo wanaag mutaystay dad waynaha ku nool magaalada gaalkacayo oo iyagoo mid ah hal mar soo wada dhaweeyay madaxwaynahooda farmaajo.Galmudug oo mid ah iyo puntland oo mid ah oo gacmaha is haysta ayaa si gobonimo leh u soo dhaweeyay mudane farmaajo.Tani waxay ka turjumaysaa walaalnimada umada soomaaliyeed iyo inay maanta garteen dantoodii oo ah in dalka soomaaliya u baahan yahay dawlad hanata guud ahaantiisba oo soo celisa nabadii iyo kala danbayntii.

 

Labada madaxwayne ee sharafta badan dr cabdi wali iyo Mudane Xaaf oo garbaha is haysta ayaa qaabilay madaxwaynahooda waana mahad sanyihiin waxayna dhigeen taariikh cusub.Waxaan si gaara u amaanayaa odaynimada iyo hogaaminta madaxwayne xaaf oo noqday oday soomaaliyeed oo matala galmudug iyo puntland labada. Maxaa yeelay xaaf waxa uu muu jiyay kalsooni labada shacab soomaaliduna intaa unbay wayday ah in dadka si daacad ah nabad loo dhex dhigo oo waa walaale ee laysugu keeno.Madaxwayne xaaf waxaan u rajaynaynaa guul iyo in uu ka tago taariikh wanaagsan noqdana horseedihii nabada soomaaliyeed.

 

Dr gaas waxaa amaan uugu filan waad wada aragtaan hormarka ka muuqda puntland ma amaan baa hartay! dr gaas waa nin maamulka yaqaan aqoon leh dadkiisana la jecel hormar iyo mustaqbal fiican waana mahad sanyahay.soo dhawaynta madaxwayne farmaajo gaalkacayo uma kala harin waana ku mahad sanyihiin garashadaas soomaalinimo oo ah in la taageero si buuxda dawladaan si dalkeenu uga baxo dawlad la aanta iyo silica haysta mudo dheer oo ah dawlad hadii lawaayo nolol dadnimo iyo dal midna majirayo.

21

islaan bashiir cabdulle waa ku mahad sanyahay isaga iyo isimada kale ee mudug sida diiran ee ay usoo dhaweeyeen madaxwaynaha iyo waftigiisa loomana kala harin.

 

MADAXWAYNE FARMAAJO IYO MAGAALADA CAGAARAN OO SI DIIRAN USOO DHAWYSAY

 

6

Waxaa socdaalkiisii nabada ku tagay magaalada CAGAARAN ee PUNTLAND 14.1.2018 Madaxwayne farmaajo iyo waftigiisa kasocda dawlada fadaraalka,madaxwaynaha puntland dr cabdiwali cali gaas,Madaxwaynaha Galmudug XAAF iyo marti sharaf  kale.waxaa halkaa uuga sii horeeyay madaxda kasoo jeeda magaalada cagaaran ee puntland oo uugu horeeyo wasiir cabdiwali indho guran iyo xildhibaanada kasocda fadaraalka ee magaaladan sida Xildhibaan Faysal,sidoo kale culimada diinta iyo madaxda dhaqanka oo uu ugu horeeyo suldaanka guud Suldaan cabdi qani suldaan xaaji xasan suldaan cali baale.waxan orankaraa looma kala harin sida magaalooyinkii horeba soo dhawaynta madaxwanaha isagoo loo balan qaaday in hiil iyo hooba lala garab istaagayo dib u yagleelka dawladnimo soomaaliyeed.

8

Waxaa madax waynaha halkaa sigaara uugu qaabilay sulaadiinta dhaqanka iyo wax garadka magaalada cagaaran oo uu hogaaminayo suldaan cabdi qani suldaan xaaji cali baale oo ku maamusay martisoorid qiimo badan iyo hadyad iyo xurmo sare.madaxwaynuhu halkaa waxa uu magaalada cagaaran shacabkeeda uugu duceeyay hormar iyo barwaaqo,islamarkaana uuga mahad celiyay sida wadaniyada leh ee ay uugu heelan yihiin dalkooda iyo wanaaga soomaalinimo ee ka muuqda shacabka reer cagaaran.waxaa halkaa ka dhacay wanaag soomaalinimo.

 

Madaxwaynaha puntland dr cabdiwali gaas ayaa halkaa isna ku daahfuray oo xariga ka jaray isbitaal cusub ee magaalada cagaaran dadwaynaheedu dhisteen iyagoo isku tashaday,iyagoo ka faa iidaysanaya hal abuurka uu keenay madaxwaynaha puntland dr gaas ee ahaa isku tasho,magaalada cagaaran ayaa ku sharaftay madaxwaynaha dr gaas furitaanka iyo maamuusida arinkaa kor ku xusan.tani waxay kuu muujinaysaa kalsoonida ay cagaaran u hayso madaxwaynahooda dr gaas iyo jacelka ay u hayaan.

 

waxaad arkaysaa in dadka soomaaliyeed baraarugeen oo uu curtay dhaqdhaqaaq wadaniyadeed oo leegadii oo kale ah.soomaaliduna waa dad firfircoon haday u soo jeestaan cadawgooda way ka guulaysanayaan.puntland oo dhan ayaa u istaagtay soomaalinimo iyo taageerida dawladnimada. hadaba waxaan idiin soo gudbin doonaa socdaalka madax waynuhu kumarayo galmudug,sida cadaado iyo guri ceel iyo dhuusamareeb iyo caabud waaq oo aan kaga faaloon doono socdaalka nabada ee madaxwaynuhu kumarayo si lamid ah tii puntland.waxaana durba aragnaa anoon ka hor dhacaynin wanaaga iyo soomaalinimada ay muujisay GALMUDUG soomaaliya. waxaan halkan ku gaba gabaynaynaa dulmarkii koobnaa ee socdaalkii nabada ee madaxwayne farmaajo ku tagay puntland iyo kan galmudug oo aan dhawaan soo qaadan doono hadii eebe idmo.soomaaliya ha noolaato hana yeelato dawlad shaqaysa sibuuxda oo soocelisa karaamadii umada soomaaliyeed,sharcigii iyo kala danbayntii si caruurta soomaaliyeed u helaan dal nabad ah iyo mustaqbal ay ku sharfoon yihiin.

 

WQ Liiban Ali

Daabacaadii: Puntlandes.com

About The Author