Akhriso Odayaasha Beesha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ku difaacay inuu Xaraashto Dhulka dawladda ee Muqdisho

20 Jan 2018 (Puntlandes) Odayaasha Beesha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed.ayaa kulan ay xalay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxay ku difaaceen inuu Xaraashto Dhulka dawladda ee Muqdisho,

10

Bayaan ka soo baxay Odayaasha dhaqanka oo ka koobnaa dhowr qodobo ayaa isugu jiray Hanjabaad iyo hadalo culus oo  ku socota Madaxweynaha JFS mudane Maxamed cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaaraha dawlada Faderaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre, iyagoo ugu hanjabay in haddii ay xilka ka qaadaan Taabit ay iyana raaci doonaan oo aysan ka hari doonin.

waxaana xubnaha ku saxiixnaa ka mid ahaa Duubabka dhaqanka sida Imaam Maxamed Yuusuf, Ugaas Maxamuud Cali Ugaas iyo odayaal kale ayaa waxay fariin ugu direen Madaxweynaha, iyagoo xusuusiyay in hantida qaranka ay taallo dalka oo dhan.

Kani wuxuu noqonayaa hadalkii ugu yaabka badnaa maadaama loo ekaysiinayo in Madaxda dalka oo Diktooro ku magaacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid uu khilaaf ka dhaxeeyo madaxda iyo Gudoomiyaha. Arinkanai waa Warlord-nimo ama Isbaaro u dhigasho dawladnimada Soomaaliya ka hanaqaaday oo la diidan yahay mana ahan wax ku haboon Soomaalinimada iyo dib u yagleelida midnimadii iyo wadajirkii ummadda Soomaaliyeed.

 

Akhriso war qoraal ah oo ay soo saareen Odayaasha

9

9a

Puntlandes.com

About The Author