Waxqabadka Madaxwaynaha Dawlad Degaanka Soomaalida Itoobiya (DDSI) Cabdi Maxamuud
Akhristayaasha Sharafta iyo qadarinta mudan ee ku xiran Warbaahintan caalmiga ah ee Puntlandes .com waxan jeclaystay in aan idiin soo gudbiyo qoraalo taxane ah oo ku saabsan
waxqabadka Madaxwaynaha Dawlad Degaanka Soomaalida Itoobiya (DDSI) Cabdi Maxamuud Cumar. Akhristayaal haddii aanu dib u eegno sidii ay ahayd ama ay ku sugnayd Nabada Degaanka Soomaalida Itoobiya intii uusan qaban Hogaanka madaxtinimada Dawlad Degaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar maba aysan ka jirin Degaanka wax nadad ah.
Sidaad wada ogtihiin Nabadu waa Saldhiga Nolosha haddii aysan Nabadi Jirina Nolol iyo Horumar ma jiri karo. Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar markii uu hogaanka qabtayba wuxuu awoodiisa saaray sidii uu Nabad salbalaaran uga Yagleeli lahaa Dawlad Degaanka Soomaalida Itoobiya xiligaas oo aysan degmo Degmo u gudbi jirin wuxuu sameeyey Ciidamo u gaara Dawlad Degaanka Soomaalida Itoobiya waxayna Ciidamadaas Guulbalaaran ka gaareen gacan bir ahna ku qabteen dhamaan Gobolada Dawlad Degaanka Soomaalida Itoobiya. Waxaa Degaanada Soomaalida Itoobiya saldhigyo ku lahaa ka hor madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar Ururo Xagjir ah sida Al Itaxaad, ONLF, Al Shabaab iyo kuwo kale oo nabad iyo Nololdiid ah. Ciimadamii uu madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar abuuray waxay ka sifeeyeen Dawlad Degaanka Soomaalida Itoobiya dhamaan Nabad iyo Nolodiidkii iyagoo bur buriyey Saldhigyadoodii.
Dawlad Degaanka Soomaalida Itoobiya waxay xuduud la leeahay 10 Gobol oo ka mid ah dalka Somalia oo aan dawlad cagaheeda ku taagan aan lahayn mudo aad u dheer
Nabadaas ka dib waxaa shacabwaynaha Dawlad Degaanka Soomaalida Itoobiya u bilowday Nolol cusub iyo Mustaqbal wanaagsan.
La soco qaybta kale
W/Q: Bashir Kililka shanaad
Daabacaad: Puntlandes.com