Dhagayso: Muuse Biixi oo ku dhawaaqay inuusan Ciidankiisa kala baxayn Tukaraq (XASAASI)
20 Jan 2018 (Puntlandes) Madaxweynaha Somaliland oo waraysi siiyey BBC ayaa ka hadlay weerarka ay Somailand ku qabsatay deegaanka Tukaraq 8dii bishan ee Janaayo isagoo ku sheegay in ciidamadiisu u kala guuray labo deegaan oo isku mid ah waa sida uu hadalka u dhigaye.
Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sheegay in uu u arko Puntland inay tahay ”Gobol” ka mid ah Soomaaliya, oo uusan doonayn inuu Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed cali Gaas si toos ah ugala hadloxiisadan wuxuuna yiri Muuse ”In aan C/weli la hadlo faragalin baan u arkaa maadaama uu yahay Gobol ka mid ah”
Muuse Biixi ayaa si cad u sheegay inuu Beesha Caalamka u sheegay inuu deegaankiisii joogo uuna arinta Soomaaliya iyo Somaliland wadahadal kala galo dawlada Soomaaliya.
Muuse Biixi ayaa yiri Xadkii Isticmaarku sameeyey Garowe 7 km ayuu u jiraa, mas’uuliyadda iyo dadnimada iyo walaaltinimadu nama siinayso inaan Garowe u jirsiino Colaad 7 km, haday iyagu 70km nagu soo dulaan anaguna waan is doifaacaynaa”
Dhagayso madaxweyne Muuse Biixi
Puntlandes.com