Akhriso Gudoomiye Taabit oo qoraal kasoo saaray go’aankii ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha
20 Jan 2018 (Puntlandes) Maamulka Gobolka Banaadir ayaa qoraal ka soo saaray war saxaafadeedkii shalay ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha, kaasoo looga hadlayay arrinta dhulka danta Guud ee uu xaraashtay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Taabit.
Shir jaraa’id oo ay qabteen Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Banaadir ee dhanka Howlaha Guud Waaxda dhulka ee dowladda Hoose ayaa lagu sheegay in war saxaafadeedkii ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha uu xambaarsanaa ama si gaar ah tooshka ugu ifinayay habka loo maamulo dhulka magaalada Muqdisho, isla markaana nuxur ahaan laga dheegan karaa xaalado si gaar ah loogu cambaareynayo maamulka Gobolka Banaadir iyo dowladda Hoose ee Xamar.
Akhriso war saxaafadeedka ka soo baxay Gobolka Banaadir
Puntlandes.com