Akhriso Guddoonka Golaha shacabka oo ka hadlay cida leh go’aan ka gaarista Maqaamka Muqdisho

20 Jan 2018 (Puntlandes)  Guddoonka Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa war qoraal ah ka soo saaray maqaamka Caasimadda Soomaaliya ay yeelanayso.

18b

War saxaafadeed uu soo saaray Guddoonka Golaha shacabka ayaa lagu sheegay in go’aan ka gaarista Maqaamka Caasimadda ay tahay awood qaar u ah Baarlamaanka.

“Maqaamka magaalada madaxda Federaalka  waxaa go’aan looga gaari doonaa  dib u eegidda dastuurka, waxaana sharci gaar ah ka soo saari doona labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya”ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Guddoonka Golaha shacabka.

Sidoo kale Guddoonka Golaha shacabka ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in si wadajir ah looga hortago wax walba oo keeni kara xasilooni darro siyaasadeed iyo khilaafaad Dastuuri ah.

Akhriso warka ka soo baxay Guddoonka Golaha shacabka

18a

Puntlandes.com

About The Author