DEG DEG ILA QOSOLKA CAAWA EE MUQDISHO: Taabid oo la yimid waxaa la ii doortay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir labada sano ee soo socota
20 Jan 2018 (Puntlandes) Waxaa goor dhow dad uu ku soo urursaday Gudoomiye Taabit oo ay ka mid yihiin Gudoomiyayaasha degmooyinka Gobolka Banaadir oo ogsoon inay raacayaan isaga haddii xilka laga qaado ku shaaciyeen inay u doorteen Taabit Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ee labada sano ee soo socota.
Caawa ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka socda Riwaayad cusub oo aan horay looga jilin Muqdisho taasoo uu Atoore ka yahay Gudoomiye Taabit, isagoo dagaal cad ku bilaabay madaxda qaranka dawlanimadii Soomaaliya.
Waxay Soomaalidu taqaanay khilaaf la yiraahdo wuxuu u dhexeeyaa madaxweyne iyo ra’iisul wasaare laakiin waa arin cusun khilaaf u dhexeeya Gudoomiye iyo Madaxda Qaranka!!CAJIIB.
Puntlandes.com