Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ku marayo dalka & halka uu ku wajahan yahay
21 Jan 2018 (Puntlandes) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo xalay ku hoyday magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa ku wajahan magaalada Cadaado ee isla Gobolkaas.
Cadaado oo uu horay usoo maray Madaxweynuhu ayuu wuxuu dib ugu laabanayaa sidii uu u xalin lahaa Bulshada reer Cadaado oo ka biyo diiday midowga dawlad goboleedka Galmudug iyo maamulkii Ahlusunna iyo caasimadda maamulka Galmudug oo loo raray Dhuusamareeb.
Cadaado kadib Farmaajo waxa uu ku sii jeedaa magaalo Xeebeedka Hobyo oo ka tirsan gobolka Mudug, isagoo halkaas xariga ka jari doona mashaariic kuwa kalena dhagax dhigi doona.
Safarka Madaxweynaha uu ku tagayo magaalada Hobyo ayaa waxaa ku wehlinaya Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf), Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, Wasiiro iyo xildhibaano ka kala tirsan Dowladda Federaalka iyo Galmudug iyo xubno kale.
Magaalada Hobyo waxaa ka socda diyaar garow aad u baalaran oo ku aadan soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafidgiisa, waxaana wadooyinka waa weyn lagu xardhay Calanka Soomaaliya iyo sawirka Madaxweynaha.
Puntlandes.com