Akhriso Taabid oo aqbalay xil ka qaadista, sharuud na ku xiray inuu xilka wareejiyo

21 Jan 2018 (Puntlandes) Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa war wqoraal ah oo uu saxaafadda u akhriyey ku sheegay inuu aqbalay xil ka qaadistii lagu sameeyay, isagoo u hambalyeeyay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng. C/raxmaan Yariisow.

10

Dhanka kale Taabit ayaa inuu xilk wareejiyo sharuud ku xiray taasoo ah in dawladda fadaraalku ka qaado Ciidanka ay dhigtay Xarunta Dawladda Hoose ee Muqdsho oo uu magacii ka bedelay ulana baxay AQALKA DAWLADDA HOOSE EE XAMAR (Magaca XAMAR ma aha magac dawladeed ee wuxuu ahaa magaca Soomaalidu ugu yeerto Caasimadooda, iyadoo magaca Rasmiga ahi yahay MUQDISHO). Qoraalka uu Taabit saxaafadda  u akhriyey kuma yaal hal eray ah oo uu magaalada Muqdisho ugu yeerayo “XAMAR” halka uu ula baxay Aqalka dawladda hoose ee (XAMAR)   Muqdisho

Akhriso war saxaafadeedka uu soo saaray Taabid Cabdi Maxamed

 

35

35a

Puntlandes.com

About The Author