Sawirro: Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo shir gaar ah uga qeyb galay dalka Sacuudiga

22 Jan 2018 (Puntlandes)  Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Xukuumadda Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad ayaa uga qeybgalay Magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya shir gaar ah oo Wasiirada Arrimaha Dibadda wadamada Islaamka ay kaga tashanayeen gantaal baalisti ah oo fallaagada Xuutiyiinta ay la beegsadeen Caasimadda Riyadh.

Wasiir Axmed Ciise Cawad ayaa khudbad ku baxaysay Afka Carabiga ka jeediyay shirkaasi, isagoo sheegay in Soomaaliya ay barbar taagan tahay Dowladda Sucuudiga, ayna si kulul u cambaareyneyso falka cadowtooyada leh ee Xuutiyiintu ku weerareen dalkaasi, waxaana uu soo jeediyay si dhibaatooyinka ka jira dunida muslimka loo xaliyo ay laga maarmaan tahay isbaheysi dhab ah oo taabbagal ah.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa kulamo kala gaar gaar ah kula yeeshay Jeddah Wasiirada Arrimaha Dibadda Jabuuti Mahmoud Ali Youssouf, Saudi Arabia Mr. Adel Al-Jubeir, Maldives Dr. Mohamed Asim iyo Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Sudan Mr. Hamid Mohamed E. Momtaz.

Wasiirku waxa kale oo uu la kulmay Xoghayaha guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka Dr. Yousef bin Ahmad Al-Othaimeen iyo Guddoomiyaha Bankiga Horumarinta Islaamka Mr. Bandar Hajjar.

Kulamadaasi oo Wasiir Cawad kala hadlay mas’uuliyiintaasi kala duwan danaha Soomaaliya iyo dhinacyadaasi ay wadaagaan ayaa muujiyay sida dalkiisu ugu diyaar yahay maalgeshi kadib hanaqaadkiisa siyaasadeed iyo midda ammaan.

Daawo sawirrada
34

34a

34a1

34a1a

34a1a1

34a2

34a4

34a5

34a6

34a7
Puntlandes.com

About The Author