Sawirro: Sawirro: Wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha Barlamanka Puntland oo Aqooniswadaarsi kaga qayb galay Abuja ee Dalka Nigeria
22 Jan 2018 (Puntlandes) Wafdi ballaaran oo ka socda Baarlamaanka dawladda Puntland uuna hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Axmed Cali Xaashi ayaa maanta kulan aqoon iswaydaarsi ah kaga qayb galay Machadka Xeer-dajinta iyo cilmi baarista caasimadiisa Dalka Nigeria ee Abuja oo lagu magacaabo Machadka NILS.
Waftiga Gudoomiye iyo Machadka NILS ayaa is dhaafsaday wax badan oo aqoon is-waydaarsi ah. Dowladda Nigeria oo ah Federaal ka kooban 36 State ayaa waxay leedahay heerar kala duwan oo Baarlamaan sida Golaha Deegaanka, Golaha shacabka ee heer State, Golaha Shacabka ee heer Faderaal iyo Aqalka Sare ama senatorka.
Machadka NILS ayaa Baarlamaanada heerarka kala duwan ee dalkaasi siiya caawimaad joogto ah oo xagga tayada iyo aqoonta ah, wuxuuna u leeyahay habka Fadaraalka aqoon aad u saraysa.
Dawao sawirrada wafdi