Ciidanka amniga degmada Bursaalax oo gacanta kusoo dhigay dadkii ka dambeeyay dilka taliyihii Booliiska Galgodob
24 Jan 2018 (Puntlandes) Guddoomiyaha gobolka Mudug Xasan Maxamed Khaliif ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay gacan ku dhiiglayaashii ka dambeeyay taliyihii Booliiska Galdogob gaashaanle Cabdi Xamiid Warsame, kaasoo xalay lagu dilay Bursaalax.
Dilka taliyaha ayuu gudoomiyuhu sheegay inay ka dambeeyeen dhowr askari oo ka tirsanaa ciidanka Booliiska, kuwaasoo lagu guulaystay in dhammaantood gacanta lagu soo dhigo.
Waxaa uu guddoomiyuhu sheegay inay wadaan baaritaan iyo howlgallo isla markaana aysan ka hordhacayn sababta taliyaha loo dilay, isagoo sheegay in sharciga la hor keenidoono dambiilayaasha.
Puntlandes.com