Barlamaanka Puntland oo wali ku gudajira ka doodida iyo meelmarinta xeerka gudiga doorashooyinka

Garowe (Pes) Golaha Baarlamaanka Puntland ayaa maanta meel mariyey inta badan qodobada xeerka gudiga doorashooyinka Puntland. Xildhibaan Siciid Cabdi Samatar (Surcad) oo mid ka mid ah idaacadaha gudaha waraysi siiyey ayaa uga waramay tiradda qodobada ay meelmariyeen tan iyo Sabtidii shalay, wuxuuna sheegay inay maanta doodu ahayd mid xasaasi ah oo lagu raagay. Qodobka tobnaad ee xeerka guddiga doorashooyinka oo ka hadlayay doorka Wasaarada Dastuurka Puntland ku lee dahay xeerkan ayuu Surcad tilmaamay inay guud ahaan ka saareen ka dib markii cod gacan taag ah xildhibaanadu ugu codeeyeen.

Xildhibaanku wuxuu sidoo kale sheegay inay mudo ka doodayeen qodobka ka hadlaya da’da oo markii danbe la isla qaatey in laga dhigo afartan jir cida u tartami karta xilka madaxtinimadda Puntland sida uu Siciid Surcad sheegay. Xeerkan oo ka kooban 24-qodob ma jirto qodobo ahmiyad leh oo xukumadda Gaas kusoo kordhisay marka laga reebo qodobka todbnaad oo Baarlamaanku diiday in lagu daro.

Xukuumada uu Hogaamiyo Dr Gaas ayaa looga fadhiyaa in ay samayso Maxkamada Dastuuriga Puntland iyadoo xiligii ololaha Doorashooyinka ku balan qaaday in ay ku soo dhisayso sadex bilood gudahood.

Halkan ka dhagayso waraysiga

 

Puntlandes.com

About The Author