Sawirro: Wafigii Taliyaha CXDS oo Gaalkacyo ugu soo noqday nabadaynta Gobolka

25 Jan 2018 (Puntlandes) Shalay galab ayaa waxa magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug gaaray wafdi ballaaran oo ay hogaaminayo Taliyiha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya Sarreeye Gaas Cabdi wali  Jaamac Warsame Gorod, iyagoo kasoo kicitimay magaalada Hobyo ee gobolka Mudug.

Wafdiga ayaa Gaalkacyo u tagay sidii ay Nabadaynta guud ahaan Gobolka Mudug iyo gaar ahan magaalaga Gaalkacyo uga qayb qaadan lahaayeen, iyadoo hadda maraysa meeshii ugu fiicnayd mudo 30 sano ku dhow.

Wafdiga taliye Gorod ayaa soo maray deegaanada u dhexeeya Hobyo iyo gaalkacyo isagoo shacabka halkaas degan kala hadlayey nabadaynta Gobolka iyo in horumarinta gobolka iyo danta labada shacab ku jirto inay nabad ku wada noolaadaan qof kastana xil ka saaran yahay ilaalinta nabadda gobolka Mudug caruur ilaa waayeel.

Taliyaha ayaa deegaanka Ceel-Guule oo ka tirsan degmada Hobyo ee gobolka Mudug si gooni ah ugula kulmay Caruurta deegaankaas isagoo si qoto dheer ugu sharxay faa’iidada ay nabadu leedahay iyo in soi gooni ah iyaga dantoodu ugu jirto maadaama uu yahay mustaqbalkooda waxa mugdiga la gelinayaa.

Daawo sawirrada wafigii Taliyaha CXDS & caruurta deegaanka Ceel-Guule

1

2

3

4

5

6

7

8
Puntlandes.com

About The Author