Keating oo Golaha Amaanka u sheegay in Puntland & Somaliland ay qarka u saaran yihiin dagaal

25 Jan 2018 (Puntlandes) Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya,Micheal Keating oo hadal u jeediyey Golaha Amniga ayaa sheegay in Puntland iyo Somaliland ay qarka u saaran yihiin dagaal.

9

Amb. Keating ayaa walwal ka muujiyey ciidamada labada maamul ee isku horfadhiya degaanno ka tirsan gobolka Sool,halkaasoo uu sheegay in maalmaha soo socda dagaal ka qarxi karo,kadib markii lagu fashilmay dadaalkii xal nabadeed oo lagu  dhammeeyo colaadda.

Amb. Keating oo arrimaha Xiisadda Tukaraq u tegay magaalada Hargeysa ayaa ku baaqay in si deg deg ah lagu xalliyo khilaafka”Haddii uu khilaaf dhab ah jiro, waa in si deg deg ah loogu xalliyo wada hadal,Balse in la adeegsado awood ciidan iyo dagaal ma ahan habka ugu habboon ee lagu xalliyo dhibaatooyinkan,“ayuu xilligaasi yiri Micheal Keating .

Amb. Micheal ayaa haatan u sheegay Golaha Amniga ee Qaramada Midoobey in Somaliland diidday in ay ciidankeeda kala baxdo degaanka ay qabsadeen ee Tukaraq,si loo helo jawi wada-xaajood lagu bilaabi karo,isagoo u muuqday in uu quus ka taaganyahay xal siyaasadeed oo lagu dhammeeyo murankaasi.

Puntlandes.com

About The Author