Mustaf Dhuxulow oo ka dhoofay Muqdisho, saacado kadib Amarkii Xeer Ilaaliyaha Qaranka

1084

Siihayaha Wasiirka Warfaafinta DFS Mustaf Dhuxulow ayaa maanta ka dhoofay garoonka dayuuradaha ee magaalada Muqdisho isagoo ku sii jeeda dalka Isutagga Imaaraadka Carabta xilli ay xeer ilaaliyaha qaranka iyo Hantidhowrka guud ay soo saareen wareegto mamnuucaysa in wasiirada dowladii kalsonida weysay aysan dalka ka bixi karin amar la’aan.

Mustaf Dhuxulow ayaa dhoofitaankiisa maanta uu ka dhoofay magaalada Muqdisho la sheegay in ay tahay arrimo u gaar ah isaga.

Siihayaha wasiirka warfaafinta Mustaf Dhuxulow ayaa ka mid ahaa wasiiradii sida cad u taageerayay ra’iisalwasaare Cabdiweli Sheekh waqtigii uu socday khilaafkii u dhexeeyay madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisal wasaare Cabdiweli Sheekh.

Ma jirto illaa haatan wax war ah oo ka soo baxay xafiisyada xeer ilaalinta iyo hanti dhowrka qaranka ee la xiriirta dhoofista uu Mustaf Dhuxulow ka dhoofay dalka.

Waxaa iswaydiin leh, inkastoo ay sharcidaro ahayd wareegtadaas hadana, Wasiirada kale ee aan ka soo jeedin Qolyaha Xamar ku habsaday ma dhoofi karaan iyagu mise?

Puntlandes.com

About The Author