sawirro: Ra’iisal wasaaraha XFS oo magalaada Davos ee dalk Switzerland kula kulmay madax kala duwan
26 Jan 2018 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo Magaalada Davos ee Dalka Switzerland kaga qeyb galaya shir looga hadlayo Arrimaha dhaqaalaha ayaa kulan gaar ah la yeeshay dhigiisa Norway Erna Solberg.
Kulanka labada dhinac oo qaatay daqiiqado badan ayaa waxaa looga hadlay arrimo badan oo labada dal quseeya oo ay ka mid ahaayeen sii xoojinta xiriirka labada Dal u dhaxeeya iyo sidii Norway u sii kordhin laheyd taageerada ay siiso Soomaaliya.
Mudane Xasan Cali Kheyre,Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa marka hore Dowladda Norwey kaga mahad celiyay taageerada ay la garab taagan yihiin shacabka iyo Xukuumadda Soomaaliya.
Wuxuuna sheegay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya in Norwey si gaar ah kaga qeyb qaadato Horumarka Soomaaliya.
Soomaaliya waxaa ay ka mid tahay Dalalka yar ee ka tirsan Qaaradda Afrika ee lagu marti qaaday ka qeybgalka shirka Magaalada Davos, waxaana ku matalaya Ra’iisul Wasaare Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo.
Dhanka kale Madaxda uu Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa magaalada Davos kula kulmay madax kala oo ay ka mid yihiin Ra’iisal wasaaraha dalka Kanada, Madaxda IMF iyo World Bank, madaxweyne ku-xigeenka dalka Koonfur Africa Cyril M. Ramaphosa,,Ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Ingiriiska Mr. Tony Blair iyo Mas’uuliyiin kale oo uu kala hadlay sidii taageero xooggan loo sii lahaa.
Daawo sawirrada madaxda kala duwan oo uu RW Kheyre la kulmay