Marwo Aamina Maxamed oo loo magacaabay Wasiirka Waxbarashada Kenya

27 Jan 2018 (Puntlandes) Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Marwo Aamina Maxamed u magacaabay Wasiirka Waxbarashada Kenya, iyadoo baneyneysa xilkii ay muddo shan sano ah u haysay ee Wasiirka Arrimaha Dibadda.

20

Wasiirad Aamina Maxamed ayaa mar kale ka mid noqotay Xukuumadda Madaxweyne Uhuru Kenyatta, iyadoo ka qabatay xil aad u muhiim u ah, Wasiirka Waxbarashada Kenya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya ayuu madaxweyne Uhuru Kenyatta u magacaabay Haweeneyda lagu magacaabo Dr Monicah Juma, oo horay u soo noqotay Safiirka Kenya u fadhin jiray Jabuuti iyo Itoobiya.

Puntlandes.com

About The Author